Home Wararka Maanta P.M Xamse oo Maantay Kuwa Jahan Gobalka Gedo

P.M Xamse oo Maantay Kuwa Jahan Gobalka Gedo

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland  oo ay ku dhufteen fatahaado iyo daadad xoogan.

Sida ay ogaatay Mudug24, ra’iisul wasaare Xamza ayaa saacadaha soo socda ka duuli doono garoonka Aadan Cadde, isaga oo ku horumari doono degmada Doolow oo kamid ah meelaha ugu daran ee ku dhufteen fatahaadaha ee gobolka Gedo.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ra’iisul wasaaruhu uu usii gudbin doono degmooyinka kale ee gobolka oo ay iyana ay ka jiraan xaalado bani’aadanimo oo aad u daran.

Ujeedka safarka Xamza iyo wafdigiisa ayaa la xiriira sidii uu usoo qiimeyn lahaa xaaladda Gedo, uguna kuurgeli lahaa nolosha qoysaska ay saameysay fatahaadaha.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa xooga saari doono sidii gurmad bani’aadanimo loo gaarsiin lahaa qoysaska barakacay iyo kuwa xaaladaha adag ku wajahaya dalka.

Gedo ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda Elnino, maadaama daadad xoogan yo fatahaado ay isku darsameen gobolkaas.

Meelaha xaaladaha bani’aadanimo laga soo wariyay waxaa kamid ah, degmada Baardheere oo buundooyinkii ay go’een, magaalada Garbahaarey oo xaalad adag gashay iyo degmada Doolow oo biyuhu ay wada gaareen, halkaas oo ay booqan doonaan madaxda dowladdu.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada dadaallo ballaaran oo loogu gurmanayo kumannaanka qoysaska ah ee ay dhibaatada daran ku wajahaya gobollada dalka, waxaana gurmadkaas hormuud u ah Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran ee (SoDMA).

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad bani’aadanimo oo aad u daran, taas oo kusoo aaday xilli adag oo ay dowladdu ku howlanayd la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.
Ad
Previous articleFadhigii Baarlamaanka Puntland oo Maantay La Baajiyay Xili Xiisad Culus ka Taagantahay Garowe
Next articleCiidamada Xooga Dalka oo Mudug Ku laayay Saraakiil Alshabaab ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here