Home Wararka Maanta Ciidamada Xooga Dalka oo Mudug Ku laayay Saraakiil Alshabaab ah

Ciidamada Xooga Dalka oo Mudug Ku laayay Saraakiil Alshabaab ah

0

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa kumaandooska Gorgor ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaan dhaca galbeedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ku dilay xubno katirsan kooxda Al Shabaab.

Taliyaha ururka saddexaad ee Gorgor Dhamme Cali Cageey  ayaa sheegay in ciidanka  howlgal qorsheeysan ay ka fuliyeen tuula Xaaji, ay ku dileen saddex xubnood oo katirsan Al Shabaab iyo sargaalkii hoggaaminayay.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidanka howlgalkan Al Shabaab uga furteen hub iyo saanad ciidan oo ay wateen, waxa uuna xusay in deegaanka howlgalka ka dhacay ay wali joogaan ciidanka kumaandooska Gorgor.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Mudug ayaa halkaasi ka wada howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, howlgaladan ayaana marar badan Al Shabaab khasaarooyin kala duwan lagu gaarsiiyay.

Ad
Previous articleP.M Xamse oo Maantay Kuwa Jahan Gobalka Gedo
Next articleMagaalo Dhan oo lacag lagu Bixinaayo Hadii Lagu arko Qof Tuugsanaaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here