Home Wararka Maanta P.M Xamse Cabdi Barre oo xafiiskiisa Ku Qaabilay FEI Shengch Maxay kawada...

P.M Xamse Cabdi Barre oo xafiiskiisa Ku Qaabilay FEI Shengch Maxay kawada Hadleen(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, FEI Shengchao.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka faca-weyn ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada siyaasadda, iskaashiga, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadanamida.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada ay mar walba la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjiraha Shengchao ayaa xusay in Soomaaliya ay Shiinaha u tahay saaxiib istaraatiiji ah, kana go’an tahay sii wadidda taageerada ay u hayaan dowlad-dhiska Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leeyihiin.

Ad
Previous articleGudoomiye Degmo ka Tirsan Muqdisho oo wadahadal Lafuray Ciyaal weerada Degmadaas iyo Hadal Hayn Ka dhalatay
Next articleAlshabaab oo laga Saaray Deegaano Hor leh oo Ka Tirsan Galmudug(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here