Home Wararka Maanta P.M Xamse Cabdi Barre oo daah-furay Imtixaan ay ka qeyb galayaan 8000...

P.M Xamse Cabdi Barre oo daah-furay Imtixaan ay ka qeyb galayaan 8000 kun oo Macalin(Sawirro

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta daah furay imtixaanka shaqaaleysiinta Saddex Kun oo macallin oo ay qaadaneyso Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Imtixaanka waxaa ka qayb galaya 8000 oo macallin, oo ku galaya imtixaanaadka 22 goobood oo ku kala yaala 11 magaalo oo ka tirsan dalka.

Waxaa imtixaankan ka gudbi doonna illaa 3000 kun oo Macalin oo Wasaarada waxbarashadu shaqaaleyn doonto si ay bareyaal uga noqdaan iskuulada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Dhinaca kale ka dalbaday qoysaska degan goobaha waxbarashada ee ku yaalla Muqdisho iyo gobollada dalka inay ka guuraan, si loogu adeego ardayda Soomaaliyeed.

“Shacabka ku nool xarumaha  waxbarashadu waxaan codsaneynaa meel kastoo waddanka la joogo caasimada ha ahaato ama dowlad goboleedyada waxaa laga codsanayaa inay banneeyaan oo ay fursad siiyaan ubadka Soomaaliyeed” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Waxaa uu ka garaabay xanuunka ay leedahay in qoyas dan yar oo aan heysan guryo kale laga saaro dhulkii ay daganaayeen muddada dheer, balse waxaa uu shaaciyay in arrintaas ay keentay baahi la xiriirta wax barida ubadka Soomaaliyeed wuxuuna ka dalbaday iney guryo kale raadsadaan.

Ad
Previous articleCiidanka Amniga Muqdisho oo dhalinyaro Ciyaal weero ah ka qabqabtay Muqdisho Xili Alshabaab ay Dilal Ku Bilaabeen Ciyaal weerada (Sawirro)
Next articleDagaalka Laascaanood oo xoogeystay iyo wararkii ugu dambeeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here