Home Wararka Maanta P.M Rooble iyo Qaar ka Mid ah Golihiisa Wasiirada oo lakulmay Madaxweyne...

P.M Rooble iyo Qaar ka Mid ah Golihiisa Wasiirada oo lakulmay Madaxweyne Xasan Shiikh(Sawiro)

0

Ra’iisul Waaaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa booqasho  hambalyo iyo salaan ah ugu tagay Madaxweynaha Dooran ee JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Waxaa Raisul Wasaaraha booqashadaas ku wehliyey Masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirada amniga iyo waxbarashada iyo weliba wasiir ku xigeenka warfaafinta Xukuumada Somalia

Maxamed Xusseen Rooble ayaa madaxweynaha cusub u rajeeyay inuu Eebbe ku guuleeyo xilka Qaran ee loo doortay sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Rooble.

“Sharaf ayey ii ahayd inaan caawa la kulmay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo qaar kamid ah golehiisa wasiirrada. Waxaan ugu mahadceliyay dadaalkii uu u galay in dalka ka qabsoonto doorasho” ayuu yiri Xassan Shiikh oo ka hadlay kulankaas.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Joe Biden oo Amray In Ciidamada Maraykanka Dib loogu Celiyo Soomaaliya
Next articleKhayre oo Farmaajo kaga aargutay Teendhada Afisyooni(Akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here