Home Wararka Somaliya Jubbaland P.M Rooble iyo Axmed Madoobe oo Go,aan Culus Ka Qaatay 16kii Kursi...

P.M Rooble iyo Axmed Madoobe oo Go,aan Culus Ka Qaatay 16kii Kursi ee Garbahaareey

0

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in doorashada xildhibaanada goolaha shacabka gaar ahaan 16-ka kursi ee loo asteeyay in lagu qabto magaalada Garbahaarey halkaasi laga wareejinayo.

Waxaa maanta ku ekaa waqti ay horey u qabteen guddiga doorashada heer dowlad goboleed Jubbaland oo ku aadanaa in ay kusoo gabagabeeyaan doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee ku harsan gaar ahaan kuwa loo asteeyay in Garbahaarey lagu doorto.

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo wadahadal dhinaca telfoonka oo ay yeesheen isku afgartay in doorashada laga wareejiyo magaalada Gabrahaarey.

Sida aan xogta ku heleyno Rooble iyo Axmed Madoobe ayaa isku afgartay in doorashada kuraasta loo asteeyay Garbahaarey loo wareejiyo degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo halkaas uu ka arimiyo maamulka Jubbaland.

Rooble ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan soo saaro degreeto doorashada looga wareejinayo magaalada Garbahaarey sidoo kale ku magacaabo guddi labo dhinac ah oo ka shaqeeya dhameestirka doorashada xildhibaanada ku harsan Jubbaland.

Go’aankan la filayo in uu soo saaro  Rooble ayaa dhabar jab ku noqon doona Madaxweyne Farmaajo oo dagaal badan u galay in 16-kursi lagu doorto Garbahaarey, lamana oga sida uu Farmaajo ka yeeli doono hadii Doorashada laga wareejiyo Garbahaarey

Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo iyo Fahad yaasiin oo Dacwad Caalami ah laga Gudbiyay
Next articleAlshabaab oo Shaacisay Qabiilka Ninkii Fuliyay Weerarkii Labaad ee Baladweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here