Home Wararka Somaliya Odayaasha Koonfur Galbeed oo Shuruudo ku xiray in Doorasho ka dhacdo Deegaanadooda

Odayaasha Koonfur Galbeed oo Shuruudo ku xiray in Doorasho ka dhacdo Deegaanadooda

0

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed kuwooda ugu caansan ayaa shuruudo adag ku xiray in doorashada Aqalka sare iyo Aqalka hoose ee Baarlamanaka federaalka lagu qabto deegaanadooda.

Odayaashan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kahor doorashada ay codsanayaan in xabsiga laga sii daayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo mudo dheer ku xiran xabsi kuyaala Muqdisho.

Waxa ay sidoo kale Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ugu baaqeen Ra’isul Wasaare Rooble kahor inta aan doorasho la qaban in deegaanada Koonfur Galbeed usoo diro guddi xaqiiqo raadin ah lana sameeyo dib u heshiisiin dhab ah  .

Malaaq Ilyaas oo kamid ah Odayaadha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay ku baaqayaan in lasoo daayo Mukhtaar Roobow uu sheegay in sifo sharci daro ah loo xiray, waxa uuna xusay in dhibaatadii ka dhacday Baydhabo loo baahan yahay in xal loo helo.

“Sheekh Mukhtaar ma xirna ee waa afduuban yahay, sababtoo ah illaa hadda maxkamad lama hor geyn, cadaaladna ma uusan helin, isagoo musharax ah ayaa la afduubtay, shuruudahaana waxaan u soo saarnay in doorasho xor ah aysan ka dhici doonin K/Galbeed, dhibaato badan ayaa jirta, ninka meesha fadhiyana dhiig ayuu ku fadhiyaa,” ayuu yiri Malaaq Ilyaas

Shuruudahan ay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ku xireen Doorashada la filayo in ay ka dhacdo deegaanada Koonfur Galbeed ayaan la ogeyn saameynta ay yeelan doonto, waxa ayna kusoo aadeysaa xili Baydhabo la filayo in lagu doorto Xildhibaanada Aqalka sare.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo si weyn loogu cambaareeyay Talaabo uu shalay qaaday
Next articleWafdi Dowlada ka socda oo maanta tagaya Caasimada Garoowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here