Home Wararka Somaliya Axmed Madoobe oo si weyn loogu cambaareeyay Talaabo uu shalay qaaday

Axmed Madoobe oo si weyn loogu cambaareeyay Talaabo uu shalay qaaday

0

Madaxweynaha Jubbaland ayaa cambaareyn xoogan kala kulmay baraha bulshada kadib markii lasoo galiyay Facebooka Sawiradda isaga oo daah furaya tartanka kubada cagta kooxaha heerka koobaad ee Jubbaland xili Kismaayo lagu qarxiyay gaari Ciyaartoy waday.

Qaraxa lala beegsaday gaariga ay la socdeen ciyaartoyda kooxda JCCI ayaa waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray qaar kamid ah ciyaartoyda kooxda.

Iyada oo dad badan ka tiiraayeesan yihiin waxyeelada qaraxa ciyaartoyda lala beegsaday ayaa hadana barta Facebooka ee Madaxtooyada Jubbaland lasoo galiyay sawirada Axmed Madoobe oo tartanka si caadi ah u furaya una daawanaya ciyaarta.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaana ku tilmaamay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe mid aan damiir laheyn, waxa ayna sheegeen in laga fiicnaa in Madaxweynaha uu daah furo tartanka sidoo kale bilaa murugo iska fiirsado ciyaar xili meyd magaalada yaalo.

Inta badan dadka Soomaaliyeed ayaa aaminsanaa in dib loo dhigi doono furitaanka tartanka ciyaaraha Jubbaland ,balse waxa ay dad badan layaab ku noqotay in tartankii si caadi ah Kismaayo uga bilowday iyada oo magaalada murugo taal garoonka laga sacaba tumayay.

Ad
Previous articleDowlada Israel oo ku eedeesay Iiraan Weerar loo geestay markab shidaal
Next articleOdayaasha Koonfur Galbeed oo Shuruudo ku xiray in Doorasho ka dhacdo Deegaanadooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here