Home Wararka Somaliya Odayaasha Dhaqanka ee Muqdisho oo Magaalada Laascaanood ka bilaabay Dadaalo Nabadeed

Odayaasha Dhaqanka ee Muqdisho oo Magaalada Laascaanood ka bilaabay Dadaalo Nabadeed

0

Odayaasha Dhaqanka ee ka tegay Magaalada Muqdisho, isla markaana shalay gaaray Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa bilaabay dadaalo lagu xalinaayo dagaalka dhex-maray Ciidamada Somaliland iyo kuwa xoogaga la Magac baxay SSC.

Odayaasha oo uu horkacayo Maxamuud Cali Ugaas ayaa waxaa ay booqdeen qaar kamid ah Dhismayaasha ku burburay madaafiicda ay Ciidamada Somaliland ku garaaceen Magaalada Laas-Caanood oo ay kamid yihiin Goobaha waxbarashada iyo Isbitaalka weyn ee Magaalada Laas-Canood.

Sida uu yahay dhaqanka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, qaraarkasta oo dhaqan gal noqonaya ayaa u baahan in sagaal xubnood oo ka mida 15-ka xubnood ee golaha ammaanku inay u codeeyaan “haa”, iyo weliba inaanu diidmada qayaxan isticmaalin mid ka mida shanta dal ee xubnaha joogtada ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Danjire ku xigeenka Maraykanka u jooga Qaramada Midoobay ayaa sheegay inaan loo baahnayn in Qaramada Midoobay ay baadhis samayso, iyada oo ay baadhis wadaan Sweden, Jarmalka iyo Denmark.

Labada dhuumood ee shidaalka ee Nord Stream 1 Nord Stream 2 ayay inteeda badan maalgelisay dawladda Ruushku.

Dhuunta shidaalka ee Nord Stream 1 ayaa shidaalka geynaysay dalka Jarmalka, illaa ugu dambayn uu Ruushku ka joojiyey bishii August ee sannadkii 2022, halka dhuunta labaadi aanay shaqo bilaabin, ka dib markii dawladda Jarmalku ay warqaddii ogolaanshaha ahayd kala laabatay, markii uu Ruushku duullaanka ku qaaday dalka Ukraine.

Bishii September ee sannadkii 2022 ayaa weerar lagu qaaday dhuumahan shidaalka, illaa haatanna ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay weerarkaas.

Ad
Previous articleRuushka oo laga diiday in la baaro qaraxyadii dhuumaha shidaalka ee Nord Stream
Next articleRaila Odinga oo Ka Hadlay weerarkii Cuslaa ee shalay Lagu Qaaday Beerta Madaxwene Uhuru Kenyatta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here