Home Wararka Somaliya Nin Xaaskiisa ku dilay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Nin Xaaskiisa ku dilay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

0

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan eedeysane Bashiir Cabdi Xasan, oo horay xaaskiisii Salaado Faarax Cali ugu dilay Degmada Wartanabada ee Gobolka Banaadir 4tii- June- 202.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in hadda eedeysane Bashiir uu ku jiro Gacanta Booliska, kaasi oo la sheegay in ay ku raad joogeen tan iyo markii uu dhacay falkii uu ku dilay Xaaskiisii Marxuumad Salaado Faarax Cali.

War goordhaw kasoo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu yiri”Eedeysanaha oo aan horay u baahinay in lagu magacaabo Bashiir Cali Jaamac. laakiin, aan ogaanay in magaciisa runta ah uu yahay Bashiir Cabdi Xasan, eedeysanuhu wuxuu wajahidoonaa Cadaalada, hadii alle idmo”

Labo habeen ka hor ayay ahayd markii Degmada Wartanabadda gaar ahaan xaafadda Geedjacayl ay ka dhacday dhacdo aad u xanuun badan oo bulshadu ay aad uga naxday, kadib markii Eedeysanahaan oo lagu Magacaabo Bashiir Cabdi Xasan uu dilay Xaaskiisii oo lagu Magacaabi jiray Salaado Faarax Cali.

Ad
Previous articleBoliiska Soomaaliya oo shaaciyay in Ganacta Lagu soo dhigay nin dhawaan Xaaskiisa dilay
Next articleKulan Gaalkacyo ku dhexmaray Galmudug iyo Puntland oo looga hadlay arimo Muhiim ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here