Home Wararka Maanta Nin u dhashay dalka Kenya oo Sabab Yaab leh Darteed dab is...

Nin u dhashay dalka Kenya oo Sabab Yaab leh Darteed dab is qabadsiiyay

0

Nin u dhashay dalka Kenya oo sheegay inuu ka gadoodsanaa sare u kaca maciishadda ayaa gelinki i dambe ee Khamiista dab isku qabadsiiyay magaalada xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.

Waxaa uu falkan sameeyay kadib markii uu koray taallo ku taala waddo aad u mashquul badan oo ku taalla bartamaha magaaladaas.

Muuqal ku faafay baraha bulshada ayaa muujinaya ninka oo gacanta ku sida calanka Kenya oo aad u qeylinaya, wax yar kadibna dab ayaa ka kacaya jirkiisa.

Ninkan ayaa waxaa badbaadiyay dad goobjoogayaal ahaa, waxaana markiiba loola cararay isbitaalka Coast General Teaching and Referral Hospital, halkaas oo lagu dabiibayo.

Ad
Previous articleTurkey oo digniin Adag U diray Moscow
Next articleAlshabaab Badan oo Maantay lagu Laayay Gobalka Hiiraan iyo Dowlada oo Ka Hadashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here