Home Wararka Maanta Alshabaab Badan oo Maantay lagu Laayay Gobalka Hiiraan iyo Dowlada oo Ka...

Alshabaab Badan oo Maantay lagu Laayay Gobalka Hiiraan iyo Dowlada oo Ka Hadashay

0

Dowlada Soomaaliya ayaa Goordhoow Telefeshinka Qaranka Ku Shaacisay Warsaxaafadeed Sidaan U Qornaa;

Ciiddan Qaranka oo hawlgal Qorshaysan ka fuliyey magaalada Buq-aqable ee Gobalka Hiiraan ayaa ku dilay 23 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal.

Hawlgalka waxaa lagu beegsaday sadex xarumood oo Alshabaab ay lahaayeen, kuwaas oo dhamaantood la burbruriyay.

Goobta ugu horraysa waxa ay ahayd garaash ay Khawaarijta u yeellaan ilaa 20 Gaari oo ah kuwa dagaalka dhamaantoodna waa la burburiyay waxaana laga dhigay hawlgab.

Hawlgalka xiga waxa uu ka dhacay Xarunta maamulka Khawaarijta ee Magaaladaas Iyana waa la burburiyay waxaana lagu khaarajiyay Shan Khawaarij oo mid ka mid ah uu ahaa Horjooge.

Hawlgalka ugu danbeeyay waxa uu beegsaday Isbaaro ay ku sugnaayeen Koox Khawaarij ah oo ku taalla Banaanka magaalada, waxaana halkaas lagu laayay maleeshiyaadka goobta ku sugnaa.

Inta la xaqiijyay hawlgalka waxaa Khawaarijta uga geeryooday 18 Khawaarij oo labo ay horjoogayaal tahay, waxaa la burburiyay 20 Gaari oo ah kuwa dagaalka oo ay ku rakibnaayeen Qoryo culus waxaana la burburiyay labo Xafiis iyo goob Isbaaro u ahayd.

Hawlgalkaan dhacay maanta oo jimco ah waxa uu ka mid yahay hawlgalo isdaba joog ah kuwaas oo barbar socda hawlgalka sifaynta ah, waxaana lagu beegsaday ilaa hadda inka badan Toban Degaan oo ah ku sugnaayeen Khawaarij, iyadoo lagu burburiyaya, Warshado Qaraxyada, Gaadiid, Saanad, Xafiisyo iyo isbaarooyin.

Ad
Previous articleNin u dhashay dalka Kenya oo Sabab Yaab leh Darteed dab is qabadsiiyay
Next articleAgaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka oo Goordho la Magacaabay kadib is Casiladii Xuseen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here