Home Wararka Maanta Turkey oo digniin Adag U diray Moscow

Turkey oo digniin Adag U diray Moscow

0

Turkey ayaa ugu digtay Moscow inay ka fogaato xiisad kale kadib markii markab xamuul ah oo laga leeyahay Turkiga ay weerareen ciidamada badda Ruushka toddobaadkii hore, waxaa sidaas Khamiistii sheegay xafiiska madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

“Kadib faragelintii (Ruushka), dadkii nagala soo xiriiray Ruushka waxaa looga digay inay ka fogaadaan isku daygaas oo kale, taasi oo kasii dareysa xiisadda Badda Madow,” ayay tiri madaxtooyada Turkiga, kadib maalmo ay ka aamusneyd dhacdadan.

Markabka Sukru Okan ayaa sitay calanka Palau markii ay rasaas ku fureen ciidamada badda Ruushka Axaddii hore.

Militariga Ruushka ayaa kadib koray markabka si ay baaritaan ugu sameeyaan, kahor inta aanay u ogolaan inuu u shareecdo xeebta Izmail ee Ukraine, oo ah tan laga dhoofiyo dallaga ugu badan ee beeraha.

Dhacdadan ayaa timid ayada oo ay sii kordheen weerarada ka dhaca Badda Madow, kadib markii Ruushka uu ka baxay heshiiskii haruurka Ukraine bishii tagtay

Turkey ayaa gacan ka gaysatay dhex-dhexaadinta heshiiskan oo ay taageereysay QM, ayada oo adeegsaneysa xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Moscow iyo Kyiv.

Hase yeeshee xafiiska madaxweyne Erdogan ayaa cambaareyn kala kulmay gudaha dalka sababo la xiriira inaanu waxba ka dhihin weerarka.

Xafiiska ayaa iska caabiyey dhalleeceynta Khamiistii, isaga oo ku dooday in farsamo ahayn ay aheyd in Palau ay ka jawaabto dhacdada.

“Xitaa haddii milkiilaha markabka Sukru Okan uu yahay Turkish, markabka ma ahan mid sita calanka Turkey,” ayey tiri madaxtooyada.

“Marka la eego sharciga caalamiga, ‘calanka dalka’ ayaa ka muhiimsan magaca iyo shaqsiyadda shaqaalaha.”

Palau waa jasiirad ku taalla badweynta Pacific oo calankeeda ay inta badan isticmaalaan shirkadaha maraakiibta, si ay si xor ah u galaan dekedaha caalamiga ah.
Ad
Previous articleAl-Shabaab oo weerar Afka ah ku Qaaday Madaxweyne Xasan shiikh
Next articleNin u dhashay dalka Kenya oo Sabab Yaab leh Darteed dab is qabadsiiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here