Home Wararka Maanta Nin u dabaaldegay guushii Mareykanka ee Koobka Adduunka oo la dilay(Sawiro)

Nin u dabaaldegay guushii Mareykanka ee Koobka Adduunka oo la dilay(Sawiro)

0

Booliska Iran ayaa toogasho ku dilay nin u dhashay dalkaas kadib markii uu u dabaaldegay guushii ay xulka Mareykanka ka gaareen dalkiisa, taasoo ka reebtay Koobka Adduunka.

Xulka Mareykanka ayaa 1-0 kaga adkaaday xulka Iran habeenkii Talaadada, taasoo dhalisay falcelino kala duwan oo ka kala yimid taageeraayasha dowlada Iran iyo kuwa kasoo horjeeda.

Dad badan oo Iiraaniyiin ah ayaa diiday inay taageeraan xulka Qaranka dalkooda ayagoo ka jawaabaya howlgallada dhiigga uu ku daatay ee dowladda ay waddo kuwaasoo lagu joojinayo dibadbaxyada socda labada bil ee ka dhashay dilkii Mahsa Amini.

Sida ay sheegeen kooxaha xuquuqda aadanaha Mehran Samak, oo ahaa 27 jir, ayaa la toogtay kadib markii uu yeeriyey hoonka baabuurkiisa isagaa dabaaldegaya, magaalada Bandar Anzali oo ku teedsan Badda Caspian, islamarkaana waqooyi galbeed ka xigta Tehran.

Samak “waxaa si toos ah u beegsaday oo madaxa ka toogtay ciidamada ammaanka kadib guuldarradii xulka qaranka ay kala kulmeen Mareykanka,” ayey tiri kooxda xuquuqda aadanaha Iran (IHR) ee fadhigeedu yahay Oslo.

Sidoo kale Xarunta Xuquuqda Aadanaha Iran ee (CHRI) oo fahdigeedu yahay New York ayaa werisay in Samak ay dileen ciidamada ammaanka isaga oo u dabaaldegaya guusha Mareykanka.iyadoo uusan jirin wax war ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta Iran oo ku aadan dhacdadan.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Gacanta Ku Dhigay Mid ka mid ah Amniyaadka Alshabaab oo Dili rabay Askari ka Tirsan Ciidanka Dowlada
Next articleMooshin Xoog leh oo Durbaba ka Dhex biloowday Baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here