Home Wararka Maanta Nin Qaraxya Badan Fuliyay oo Ciidamada Xooga Dalka Gacanta Kusoo Dhigeen

Nin Qaraxya Badan Fuliyay oo Ciidamada Xooga Dalka Gacanta Kusoo Dhigeen

0

Taliska ciidamada xoogga dalka ee degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa soo bandhigay dagaalyahan ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay howlgal qorsheysan.

Dagaalyahan ayaa koooxda Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka miinooyinka, waxaana la qabtay xilli uu doonayey inuu soo gaaro magaalada Muqdisho sida ciidamadu sheegeen

Ninkan ayaa qirtay inuu fuliyay qaraxyo uu ku kala aasay Janaale, Bariire, Sabiid, Afgooye iyo Ex kontorol Afgooye, kuwaasoo dhimasho iyo dhibaatooyin kale ka soo gaartay dad badan.

Saraakiisha ciidamada dowlada ayaa sheegay iney muddo ku raad-joogeen ninkan ugu dambeyn la soo qabtay ka dib xog ay ka heleen dadka degaanka, waxay xuseen iney soo taagi doonaan Maxkamad si loogu qaado ciqaabta dambiga uu galay.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya iyo IMF oo Heshiis Cusub kala Saxiixday Kadib Doorashadii Xasan Shiikh
Next articleQarax Ka Dhacay Muqdisho oo Siyaasi Caan ah lala Eegtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here