Home Wararka Maanta Maraykanka oo Soomaaliya iyo Itoobiya ugu sheegay kulankii Addis Arin Xasaasi ah.

Maraykanka oo Soomaaliya iyo Itoobiya ugu sheegay kulankii Addis Arin Xasaasi ah.

0

Ayadoo shirka 37-aad ee madaxda Midowga Afrika uu maanta si rasmi ah uga furmi doono magaalada Addis ababa, ayaa waxaa caasimadda Itoobiya ku sii qulqulaya madaxda qaaradda.

Shalay gelinkii dambe waxaa halkaa gaaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo ka mid ah madaxda shirka ka qayb galaysa, wuxuuna hore u sii shegay in uu Addis Ababa tegayo, uuna ka qayb galayo shir madaxeedka iyo laba shir oo kale.

Laakin arrinta isha lagu hayo ayaa ah tan xumaysay xiriir ka dhaxeeya labada dal, taasoo ahayd heshiiskii dhex maray Somaliland iyo Itoobiya ee ka caraysiisay Soomaaliya oo ku tilmaantay xad gudub lagula kacay madax-banaanideeda dhuleed.

Haddaba waxaa soo baxaya in dal kale oo dalalka awoodda leh ka mid ah uu labada dhinac ee Soomaaliya iyo Itoobiya kula kulmayo magaalada Addis Ababa.

Ergayga gaarka ah ee dawladda Maraykanka u qaabilsan gobolka geeska Afrika Mike Hammer oo hadda ku sugan Addis Ababa ayaa sida ay sheegeen qaar ka mid ah madaxda Soomaalida wuxuu madaxda Itoobiya kala hadlay khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya.

“Mike Hammer wuxu noo sheegay inuu la kulmay madaxda Itoobiya, isagoo la soo qaaday heshiiskii ay wada gaareen iyaga iyo Somaliland,” ayuu yiri mid ka mid ah wafdiga Soomaaliya uga qayb galaya shirka midowga Afrika.

Wuxu intaa ku daray “wuxuu kala hadlay mas’uulka Maraykanka ah madaxda Itoobiya sidii ay Itoobiya dib uga laaban lahayd heshiiska muranka dhaliyey.” Arrintaas ma aysan xaqiijin Itoobiya iyo Maraykanka.

Laakin Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu bartiisa X ku soo qoray “waxaan ku soo dhoweeyey Molly phee oo ka socotay waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka iyo danjire mike Hammer, ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan geeska Afrika, wadahadal aan ka yeelannay arrimaha gobolka iyo qaar dhinacyo badan leh.`
Ad
Previous articleNin Doonaayay inuu Qaraxyo Culus Fuliyo oo Asaga Iyo Qaraxyadiisii Muqdisho lagu Qabtay(Sawiro)
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Ragii Gaalkacyo ku Dilay Axmed Tahliil oo lasoo Qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here