Home Wararka Caalamka Nin dili rabay Madaxweyne kuxigeen oo la qabtay kaddib markii u dhici...

Nin dili rabay Madaxweyne kuxigeen oo la qabtay kaddib markii u dhici weysay Bistoolada

0

Madaxweyne ku xigeenka dalka Argentina, Cristina Fernández de Kirchner, ayaa si dirqi ah kaga badbaaday toogasho uu u geesan rabay nin hubeesan, xilli ay ku dhax jirtay qaar kamid ah taageerayaasheeda.

Ninka hubeesnaa oo watay bistoolad ayaa madaxa ka saaray kuna riday, balse waxaa ninkaasi u dhici weysay xabada, waxaana si degdeg ah ninkaasi hubeesnaa gacanta ugu dhigay ciidamo ilaalo u ahaa madaxweyne kuxigeenka Arjentina.

Haweeneydan toogashada ka badbaaday ayaa ku sugneed afaafka hore ee gurigeeda ay isugu soo aruureen qaar kamid ah taageerayaasheeda, waxa ayna xilligaasi Cristina Fernández de Kirchner ku mashquulsaneed salaamida taageerayaasheeda.

Ciidamada booliiska dalka Arjentia ayaa bilaabay baaritaano ku aadan isku daygan dil, waxaana dhacdadan hadal heyn badan ka abuurtay gudaha Arjentin iyadoona la isweediinayo sababta weerarka fashilmay ka dambeesay.

Iskudaygan dil ee ka badbaaday madaxweyne ku xigeenka Arjentia ayaa kusoo aadaya xilli lagu soo oogay dacwad la xariira musuqmaasuq, waxaana haddii kiiskan lagu helo wajihi kartaa sannado xabsi ah iyo in siyaasadda laga mamnuuco.

Ad
Previous articleDEG DEG: Madaxweynaha TikTok oo Muqdisho Goordhow Lagu Toogtay
Next articleMareykanka oo qaaday tallaabo kale oo ka careysiisay Shiinaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here