Home Wararka Somaliya Nin ajnabi ah oo Fuliyay Qaraxii camaara ee Gobalka Mudug

Nin ajnabi ah oo Fuliyay Qaraxii camaara ee Gobalka Mudug

0

Kooxda Alshabaab ayaa shaacisay in weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday saldhigga ciidamada dowladda ee Camaara uu fuliyay muwaadin kasoo jeeda dalka Kenya.

Ninkaan oo lagu magacaabo Cabdi Raxmaan Zeynudiin, ayaa Alshabab ku biiray sannadkii 2014, wuxuuna kasoo jeeda magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta Kenya.

Warbaahinta Alshabab ayaa shaacisay in ismiidaamintiisu ay fure u ahayd weerarkii lagu qabsaday Camaara, halkaas oo Alshabab ku qabsadeen 18 kamid ah gaadiidka dagaalka.

Alshabab waxay sheegtay Cabdi Raxmaan Zeynudiin in uu qeyb ka ahaa waxay ugu yeeraan maktabka istishahaadiyiinta; oo ah kuwa fuliya weerarada ismiidaaminta ah.

Cabdi Raxmaan Zeynudiin, wuxuu qeyb ka ahaa dhallinyaro Kenyan ah oo Alshabaab ku biiray sannadkii 2014, xilligaas oo dhalinyaro badan oo kasoo jeeda gobolka xeebta ku biireen AlShabab.

Ad
Previous articleMadaxweyne dani oo soo gaaray Gaalkacyo ayaa bogaadiyay iskaashiga maamulada puntland iyo galmudug.
Next articleMadaxweynaha Hirshabelle oo Maanta ku dhawaaqay Liiska aqalka sare

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here