Home Wararka Maanta NEWS Wararkii U Danbeeyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran Oo Ka Furmay Muqdisho

NEWS Wararkii U Danbeeyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran Oo Ka Furmay Muqdisho

0

Madaxtooyada Soomaaliya waxaa goordhow ka furmay shirka golaha wadatashiga qaran oo ay isugu yinaadeen masaxda dowladda, kuwa maamul goboleedyada iyo Duqa magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirkan gudoominaya, iyadoo ay goob joog ka yihiin madaxda maamul goboleedyada, ra’iisul wasaaraha dalka, kuxigeenkiisa iyo gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Shirka Madasha wadatashiga Qaran waxaa looga hadli doonaa dar dar galinta dagaalka ka dhanka ah Shabaab oo haatan ku kooban oo kaliya Hirshabelle, sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta DFS iyo maamulada, wax ka qaabshada arrimaha abaaraha iyo xalinta buuqa ka yimid arrimaha shidaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafiiska ku soo laabtay 15-kii May ee sanadkan 2022 ayaa kulamo hore la yeeshay madaxda maamul goboleedyada, isagoo kala hadlay sii amba qaadida howlaha waa weyn ee horyaalla dowladdiisa cusub iyo sidoo kale wada shaqeynta labada dhinac.

Ad
Previous articleMaxay Raisul Wasaare Xamse iyo Deni kawada hadleen oo xalay kulan gaar ah wadaqaatay? qaatay
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Saciid Deni ku qanciyey xil la siiyey wiilkiisa(Xog)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here