Home Wararka Caalamka Nebi Muxamed: Putin oo Hindiya farrriin u diray kaddib aflagaaddadii Rasuulka (NNKH)

Nebi Muxamed: Putin oo Hindiya farrriin u diray kaddib aflagaaddadii Rasuulka (NNKH)

0

Waddamada Muslimka ah ayaa si adag uga soo horjeestay hadalladii muranka dhaliyay ee afhayeenkii hore ee xisbiga BJP Nupur Sharma ee ku saabsanaa Nebi Muxamed NNKH, sida lagu baahiyay baraha bulshada, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sidoo kale muujiyay sida uu uga xun yahay hadalladii muranka dhaliyay ee loo jeediyay Nabi Muxamed ee dowladda Hindiya.

Hadalka Putin ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay si weyn ugu faafay baraha bulshada ee Hindiya iyo dalalka Carabta kaddib markii Putin oo la talinayay Hindiya isagoo ku guda jira shirkiisii ​​jaraa’id ee sanadlaha ahaa yiri, “Aflagaadada Nabi Muxamed waxay ku xad-gudbeysaa xorriyadda diinta taas oo dhaawacday shucuurtii muqaddaska ahayd ee dadka Islaamka.”

Falcelinta hadalka laga soo xigtay Putin ayaa aad ugu baahday baraha bulshada gaar ahaan barta Twitter oo in ka badan 50 kun oo jeer la wadaagay gaar ahaan Hindiya iyo dalalka Carabta.

Muxuu horay Putin uga yiri Islaamka iyo Nebi Muxamed NNKH?

Sida ay sheegtay warbaahintu, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa shirkiisii ​​jaraa’id ee sanadlaha ahaa ee 23-kii December ee sanadkii hore, waxa uu ku sheegay hadal la xiriira kaartuunkii Charlie Hebdo ee Faransiiska ee muranka dhaliyay.

Waxa uu yiri: “Marnaba qayb kama aha xeerka xornimada hadalka ee qof walba uu u heysto inuu fikirkiisa cabbiri karo.”

“Aflagaaddada ka dhanka ah Nabiga waxay meel uga dhaceysaa xorriyadda diimaha, waxayna ku xadgudbeysaa dareenka dadka heysta diinta Islaamka,” ayuu yiri Putin, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka Ruushka ee TASS.

Madaxweyne Putin ayaa carrabka ku adkeeyay in ficillada noocaas oo kale ah ay kicinayaan aargoosiga kooxo xagjir ah, sida weerarkii lagu qaaday Majalladda Charlie Hebdo ee magaalada Paris kaddib markii ay daabacday sawirro kartoon ah oo lagu dhaawacayo sharafta Nabiga (NNKH).

Ad
Previous articleYaasiin farey oo War Cusub kasoo Saaray kiiskii Ikraan Tahliil
Next articleMeydad ka badan 160 askari oo laga helay magaalada Mariupole ee Ukraine

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here