Home Wararka Caalamka NATO Ciidamadamada Jawaabta Deg Deg Bixiya u diraysay Ukrain

NATO Ciidamadamada Jawaabta Deg Deg Bixiya u diraysay Ukrain

0

Xoghayaha guud ee isbahaysiga Nato Jens Stoltenberg ayaa wariyeyaasha u sheegay in Nato ay ciidamadeeda jawaabta degdegga ah bixiya ee dhulka, cirka iyo badda ku daad gureysay Bariga Qaaradda Yurub.

Waxa uu yidhi: “Qaybta amniga waxa ay horayba u xoojisay difaaceenna”.

Dalalka Mareykanka, Canada iyo Yurub ayuu sheegay in ay kumannaan askari u direen gobolka.

In ka badan 100 diyaaradaha dagaalka ah ayaa hadda ka howlgalaya ilaa 30 goobood oo laga difaaco Yurub, waxaana wehlinaya in ka badan 120 markab, sida uu sheegay Stoltenberg.

Waxa uu sarkaalkan hoosta ka xariiqay in ciidamada la geeyay halkaas ay difaaci doonaan “taako kasta oo ka mid ah dhulka ay leeyihiin dalalka xubnaha ka ah Nato” isagoo intaas ku daray inay sii wadi doonaan taageerada ay u hayaan Ukraine iyo dalalka kale ee khatarta ugu jira howlgalka uu Ruushku ka billaabay gobolka – sida Georgia, Moldova iyo Bosnia.

Waxaa xusid mudan in Nato ay horay u sheegtay inaysan ciidan u diri doonin dalka Ukraine, oo aan xubin ka ahayn isbahaysigaas, waxaana dalkaasi qarka u saaran yahay in gabi ahaan Ruushka lawada wareego.

Ad
Previous articleTirada Ciidamada Ruushka ugu Dhimatay Dagaalaka Ruushka oo la Shaaciyay Xili Wali Dagaal Xoogan Socdo
Next articleCiidamada Ukrain oo Bilaabay inay is Qarxiyaan si ay Ruushka isaga Difaacaan(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here