Home Wararka Caalamka Ciidamada Ukrain oo Bilaabay inay is Qarxiyaan si ay Ruushka isaga Difaacaan(Sawiro)

Ciidamada Ukrain oo Bilaabay inay is Qarxiyaan si ay Ruushka isaga Difaacaan(Sawiro)

0

Dalka Ukraine waxaa ka socda dagaal faraha looga gubtay oo u dhaxeeya ciidamada dalkaasi iyo ciidamada Ruushka ee ku duulay, waxaana dagaalka lasoo sheegayaa in ay ku dhinteen boqolaal askari iyo dad shacab ah.

Ciidamada Ukraine ayaa isku dayaya in ay jabiyaan ciidamada Ruushka ee weerarka kusoo qaaday, waxa ayna ciidamada u muuqdaan kuwa markan diyaar u ah in ay dhintaan kolkii ay is dhiibi lahaayeen.

Milatariga Ruushka ayaa dhankoda wada weerar dhinaca cirka iyo dhulka ay la beegsanayaan xarumo milatari iyo goobo kale ay joogaan ciidamada Ukraine, waxa ayna ciidamada Ruushka isku dayayaan in ay la wareegaay Caasimadda Ukraine ee Kiev.

Askari katirsanaa ciidamada badda ee dalka Ukraine oo lagu magacaabo Vitaly Shakun ayaa sameeyay naf hurnimo, waxa uuna askariga isku qarxiyay goob buundo ah markii ay kusoo dhawaadeen ciidamada Ruushka.

Warbaahinta dalka Ukraine ayaa ku warantay in askarigan isku qarxiyay si uu uga horjoogsado in ciidamada Ruushka taangiyadooda ka gudbaan goob buundo ah, waxa uuna go’aansaday in uu halkaasi isku qarxiyo si uu milatariga Ruushka halkaasi ugu celiyo.

Ciidamada Ruushka ayaa la kulmaya iska caabin xooggan oo kaga imaaneysa dhinaca ciidamada Ukraine, waxaana saraakiil sirdoon sheegeen in Ruushka aysan fileyn in ciidamada kasoo horjeeda sidaan isaga difaaci doonaan.

Ad
Previous articleNATO Ciidamadamada Jawaabta Deg Deg Bixiya u diraysay Ukrain
Next articleMarykanka oo Hanjbaadii u Danbaysay u soo Diray Madaxda Soomaalida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here