Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne QoorQoor oo baaq deg deg ah diray kadib laba arrin oo...

Madaxweyne QoorQoor oo baaq deg deg ah diray kadib laba arrin oo isugu Darsantay Galmudug

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa soo saaray baaq deg deg ah oo la xiriira abaarta daran ee ku dhufatay dalka, gaar ahaan deegaano kamid ah maamulka.

Qoor-Qoor ayaa sidoo kale sheegay in dadka ku nool degmooyinka iyo degaannada Galmudug ay isugu darsameen Abaaro iyo Amni darro.

Waxaa uu sheegay in si gaar ah dadka ku nool degmooyinka Wisil iyo Baxdo ay heystaan dhibaatooyin ka dhashay Abaaraha iyo kuwo ay sababeen weerarada ay degmooyinkaas ku soo qaadaan dagaal-yahaanada Al-Shabaab.

“Hay’addaha waa inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka ay abaartu ku saameeysay degmooyinka Baxdo iyo Wisil iyo weliba deegaanada hoostaga,” ayuu yiri madaxweyne Qoor-Qoor.

Madaxweynaha oo hadalkaan ka sheegay munaasabad lagu soo dhaweynayay oo lagu qabtay degmada Wisil ee gobolka Mudug, ayaa sidoo kale waxa uu ku ammaanay shacabka iyo maamulka degmada oo kaashanaya ciidamada Daraawiishta Galmudug sida geesinimada leh ee ay isaga difaaceen kooxaha argagixisada.

Ugu dambeyntiina Madaxweynaha ayaa xusay in dhawaan golaha deegaanka ee degmada Wisil iyo degmooyinka kale ee Galmudug la dhisi doono, isagoona ugu baaqay ganacsatada Galmudug inay caawimaad deg deg ah lasoo gaaraan guud ahaan deegaanada Galmudug

 

 

 

 

 

 

 

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh iyo Raysulwasaare Xamsa oo kulan Xasaasi ah ka Yeeshay Dagaalki bosaaso
Next articleGo’aan cusub oo kasoo baxay dowladda Britain kuna wajahan Mo Faarax kadib sirtii uu shalay Faafiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here