Home Wararka Maanta Nabadoon Cabdi Cabdulle Xaashi oo Goordhawayd La Dilay iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa...

Nabadoon Cabdi Cabdulle Xaashi oo Goordhawayd La Dilay iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa Dilkiisa

0

Dabley hubeysan ayaa saaka degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho waxay ku dileen oday dhaqameed ka tirsan Nabadoonada beelaha Soomaaliyeed.

Nabadoon Cabdi Cabdulle Xaashi ayaa toogasho la dilay xili uu sii galayey Masaajid ku yaalla degaanka Ceelasha biyaha oo uu doonayey inuu ku soo tukado Salaada ciida.

Wararka ayaa sheegaya in nabadoonka uu isla goobta ku qur-baxay, iyadoo kooxihii dilayna ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada amaanka DF ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, halkaasoo ay ka wadaan baaritaano inkastoo aysan ku guuleysan iney soo qabtaan kooxihii ka dambeeyey dilka Nabadoonka.

 

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo Shacabka Baxdo la ciidaystay (Sawiro)
Next articleSida maanta looga ciidayo qaar ka mid ah degaanada Al-Shabaab(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here