Home Wararka Maanta Nabadoo Caan ahaa oo lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Nabadoo Caan ahaa oo lagu Dilay Magaalada Muqdisho

0

Nabadoon Geesey Cismaan oo ka mid ahaa waxgaradka gobolka Banaadir ayaa galabta lagu dilay degmada Yaaqshiid ee gobolka Benaadir

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa la soo sheegayaa iney nabadoonka rasaas ku fureen wax yar ka dib markii uu ka soo baxay masaajid ku yaalla xaafada Fagax oo uu ku soo tukaday

Dableydii geysatay dilka ayaa ka baxsaday goobta sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah oo xaafadaas ku sugna.

Ciidamada Booliska saldhiga Yaaqshiid ayaa bilaabay howlgalo lagu baadi goobayo kooxda dilka geysatay inkastoo aysan ku guuleysan.

Al-shabaab oo la aaminsan yahay iney falkan ka dambeysay ayaa mudooyinkan xoojisay qaraxyada iyo dilalka ay ka geysato magaalada Muqdisho

Ad
Previous articleGudiga Doorashooyinka Jubaland Ku Dhaqaaqay Arin Baal Marsan Habraaci u Danbeeyey ee Lagu Heshiiyay
Next articleCiidamada Booliska Oo Weeraray Hotel Caawa Lagu Qaban lahaa Xaflada Maamulka Galmudug looga Soo Horjeedo(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here