Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xalay gaaray magaalada Qaahira caasimada dalka Masar, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay isaga iyo wafdigiisa
Xamza aya ka qayb-galaya shir aan caadi weyn oo ka dhacaya Qaahira, kaas oo ay berri yeelanayaan madaxda Ururka Jaamacadda Carabta ee fadhigoodu yahay magaaladaasi.
Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa qaddiyada Falastiin, gaar ahaan dib u dhiska Gaza iyo sidii loo caawin laha shacabka reer Falastiin, sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale oo qayb ka ah wafdiga ra’iisul wasaaraha.
“Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu ka qayb-galayaa shir aa caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan Madaxda Ururka Jaamacadda Carabta oo looga hadlayo sidii dib loogu dhisi lahaa Gaza, loona caawin lahaa reer Falastiin” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Soomaalya.
Ra’iisul wasaare Xamza ayaa ka hadli doono mowqifka dowladda federaalka Soomaaliya ee ku wajahan qaddiyada shacabka dad Falastiin, isaga oo la filayo inuu mar kale ku celiyo in dowladda Soomaaliyeed ay si adag u diiday hadalladii dhowaan kasoo yeeray Israa’iiliyiinta ee ahaa in la barakiciyo shacabka Falastiin.
“Waa xadgudub cad oo ka dhan ah sharciyada iyo axdiyada caalamiga ah iyo kuwa xuquuqda aadanaha, isla markaana khal-khalgelin kara amniga guud iyo nabada gobolkan iyo tan caalamka” ayuu mar kale yiri Farxaan Maxamed Jimcaale.
Shirkan beri furmayo ayaa kusoo aadayo, xilliay muhiim u tahay Soomaaliya, maadaama dowladda federaalka ay xubin ka tahay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, waxaana door fir-fircoon ay ka ciyaareysaa masraxyada caalamiga ah hadidi ay noqon lahayd dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo dhinaca dhaqaalaha.