Home Wararka Maanta Muxuu Raila Odinga ka yiri natiijada doorashada Kenya

Muxuu Raila Odinga ka yiri natiijada doorashada Kenya

0

Raila Odinga, ayaanan fagaare ka hadlin, tan iyo markii ninkii uu xifaaltanka kala dhaxeeyey tartankana kala soo horjeeday ee, William Ruto, lagu dhawaaqey inuu yahay madaxweynaha la doortay.

Ma cadda in Odinga uu kahor iman doono natiijada doorashada lagu dhawaaqey iyo in kale.

Salim Lone, oo ahaa la taliyihii hore ee Odinga, ayaa BBC-da uga waramay, sida uu uga falcelinayo madaxiisii ​​hore doorashada loogga guuleystay.

“Wada hadal dheer, ayaan la yeeshay isaga, wuxuuna caddeeyay inuu u maleynayo in tani ay lamid tahay kuxadgudub lagu sameeyey hannaanka doorashada dimoqraadiyadda. Markaa, isagu uma arko mid la aqbali karo natiijada lagu dhawaaqay haba yaraatee.

“Dhibkayagu waxa weeye doorashadani waa tii afraad ee tooska ah ee si adag looggu tartamayo, tanina waxay ahayd tii ugu xumeyd, markii aan u maleynay inay noqon doonto ugu danbayntii tan ugu wanaagsan. Wax kalsooni ah ma lahan, sababtoo ah afar kamid ah toddobo xubnood oo guddiga kamid ah, ayaa sheegay inaysan saxiixayn ku dhawaaqista Ruto oo si sharci darro ah lagu doortay.”

Ruuxa uu u xushay Odinga inuu kuxigeen u noqdo, taasoo la yiraahdo, Martha Karua, ayaa barteeda twitter-ka ku qortay, “Ma dhaamin doorashada, illaa wax waliba lasoo gaba gabeeyo”.

 

 

Ad
Previous articleAskar ka tirsan ciidamada Liyuu Boolis oo QARAX lagu Laayay
Next articleWasiir Fiqi oo diray Digniin culus oo ku saabsan dhanka Gasoorka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here