Home Wararka Maanta Muusi Suudi iyo Xildhibaanada kale ee maanta Qaatay Shahaadada Barlamaanka. (Sawiro)

Muusi Suudi iyo Xildhibaanada kale ee maanta Qaatay Shahaadada Barlamaanka. (Sawiro)

0

Guddiga doorashada heer federaal ayaa maanta shahaadada xildhibaanimo siiyay Xildhibaano katirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo lagu kala doortay dowlad goboleedyo kala duwan.

Senator Muuse Suudi Yalaxow iyo xildhibaano kale ay ku jiraan Jeneraal Saadaq Joon iyo Cabdirashiid Xiddig ayaa maanta kamid noqday xildhibaanada qaatay shahaadada Xildhibaanimo.

Xildhibaanada labada aqal ee maanta qaatay shahaadada ayaa ugu baaqay xildhibaanada kale aan weli qaadan in ay qaataan ayna yimaadaan xarunta si loo soo gabagabeeyo doorashada dalka.

Halkan ka Akhriso Xildhibaanada maanta qaatay Shahaadada.

1. Abdirashid Mohamed Hidig GSH#072
2. Said Mohamed Ali GSH#093
3. Iftiin Hassan Iman (Baasto) AS#04
4. Abdullahi Sh. Ismaaciil Fartaag AS#02
5. Sadak Omar Mohamed (Saadaq-Joon) GSH#248
6. Osman Ali Yusuf GSH#198
7. Senator Muse Sudi Yalahow AS#17
8. Abdihakim Moalim Ahmed AS#13
9. Qali Ali Shire GSH#060Eng.
10-Sadiq Abdullahi Abdi GSH#092.
Ad
Previous articleRuushka oo ka hadlay Xasuuqa lagu eedeeyay ee ka dhacay Duleedka Caasimada Kiev
Next articleRaysulwasaarihii Hore oo Ku taliyay in la Xakameeyo Dhaq dhaqaaqa NISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here