Home Wararka Maanta Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo si adag ugu gacan seyray Abiy...

Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo si adag ugu gacan seyray Abiy Axmed inuu taallo ka dhisayo Geesiyadii itoobiya uga dhintay Dagaalkii 1977

0

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaali Galbeed Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa si adag ugu gacan seyray hadalkii ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo sheegay inuu taallo ka dhisayo buurta caanka ah ee Kaaramardha.

Abiy Axmed ayaa munaasabad ka dhacday Addis Ababa oo lagu soo bandhigay buug uu ka qoray dagaalkii 1977-kii ay Itoobiya la gashay Soomaaliya wuxuu ka shaaciyey go’aanka lagu dhisayo “Geesiyadii Itoobiya ee dagaalkii Kaaramardha lagu dilay” sida uu hadalkiisa u dhigay.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaali Galbeed Mustafe Cagjar ayaa ka qeyb galay xafladii uu Abiy ku soo bandhigay buugaas oo loogu magacdaray “Jiilka isku tegay.”

Dhaqaalaha ka soo uruura buugaas ayuu Abiy sheegay in deegaan kasta uu qeybtiisa heli doono, balse deegaanka Soomaalida qeybta ku soo aadda taallo loogu dhisi doono ‘ciidankii ay Soomaaliya uga leysay buurta caanka ah ee Kaaramardha.

Hadaba bulshada deegaanka Soomaalida ayaa si weyn uga falcelisay hadalkii ka soo yeeray Abiy Axmed, waxaana arrintaas hadda ka hadlay Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey tacadiyadii deegaanka ka dhacay.

“Taallo dad Soomaaliyeed bahdileysa ma dhiseyno, mana hindisin, mana ogolaaneyno in dad kale oo aan Soomaali aheyn dhulka Soomaaliyeed taallo looga dhiso,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaali Galbeed.

“Hadii taalooyin la dhisayo waxaa loo dhisi doonaa wixii tacadiyo dhulkaan ka dhacay kuwii loo geystay ee sababay in xafladaan xusuusta ah aan maanta dhigano, sida halgamayaashii ONLF, SNF iyo kuwii kale ee dalkaan u soo halgamay ayaa loo dhisayaa hadii taallo laga dhisayo deegaankaan,” ayuu yiri Cagjar.

Dhinaca kale lacagtii uu sheegay Abiy in taallada Kaaramardha lagu dhisayo wuxuu Cagjar sheegay in lagu dhisi doono goobaha lagu xanaaneeyo carruurta ee deegaanka Soomalaida.

Ad
Previous articleUkriane oo markale koronto dhoofinaysa kaddib bilooyin uu Ruushku weerrarayay
Next articleQoor Qoor oo La kulmay Culumo Soomaaliyeed oo Gaaray Dhuusamareeb Maxay Ka wada Hadleen(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here