Home Wararka Maanta Ukriane oo markale koronto dhoofinaysa kaddib bilooyin uu Ruushku weerrarayay

Ukriane oo markale koronto dhoofinaysa kaddib bilooyin uu Ruushku weerrarayay

0

Ukraine ayey u suuragashay inay koronto dhoofiso markii ugu horraysay muddo lix bilood ah, maadaama kaabayaasheeda tamarta ay ka soo kabsanayaan weerraro xiriir ah oo muddo bilooyin ah ay ku hayeen ciidammada Ruushka.

Ruushka ayaa Oktoobartii la soo dhaafay wuxuu bilaabay inuu si ulakac ah oo xiriir ah u weerraro kaabayaasha tamarta ee waddanka Ukraine.

Arrintaasi waxa ay horseedday in korontada ay go’do meelaha qaarna korontada loo qeybiyo, taas oo xilligii qaboobaha magaalooyin badan ku ridday mugdi.

Ukraine ayey qasab ku noqotay inay joojiso korontadii ay dibadda u dhoofin jirtay – balse haatan waxaa u suuragalaysa in markale ay iibiso korontada dheeraadka ah ee ay soo saarto.

Wasiirka tamarta Herman Halushchenko ayaa saxiixay digreeto uu ku fasaxayo dhoofinta korontada, walow ay ahmiyad gaar ah weli la siinayo macaamiisha gudaha.

Waxa uu sheegay in hannaanka korontada uu ku dhawaad muddo laba bilood ah soo saarayay wax ka badan inta la isticmaalayay, halka dadka Ukraine-na aanay wajahayn ciriiri dhanka korontada ah.

“Waynu ka soo gudubnay waqtigii ugu adkaa ee qaboobaha,” ayuu Jimcihii yiri Mr Halushchenko.

“Tallaabada xigta ayaa ah in aynu bilowno dhoofinta korontada taas oo noo sahli doonta inaan helno kharash dheeraad ah kaas oo aan dib ugu dhisi karno kaabayaasha tamarta ee burburay ama ay waxyeelladu soo gaartay.”

Sidoo kale waxa uu amaanay shaqada adag ee ay qabteen injineerrada iyo saaxiibbada caalamka si dib loogu soo celiyo hannaanka tamarta ee dalkaasi.

Bishii la soo dhaafay dadka ku nool waddanka Ukraine ayaa BBCda u sheegay in korontada ay joogto noqotay.

“Magaaladu waa ay isbadeshay,” ayey tiri Inna Shtanko, oo ah hooyo da’yar oo ku nool deegaanka Dnipro. “Ugu dambayntii, waxaa soo laabtay nalkii waddooyinka, cabsina ma ahan haatan inaad ku dhex lugaysid waddooyinka magaalada.”

Sikastaba xaalku ha ahaadee, shirkadda maamusha shabakadda korontada ee dalkaasi, Ukrenergo, ayaa ka digtay in Ukraine aanay ku tashan in weerrarada Ruushku ay istaagaan.

Ukrenergo ayaa Sabtidii sheegtay in Ruushku uu intii uu dagaalkan socday la dhacay xarumaha tamarta in ka badan 1,200 oo gantaal iyo duqeymo ay gaysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Shirkadda ayaa weerraradaas ku tilmaantay iskudaygii ugu waynaa ee lagu doonayay in lagu burburiyo hannaanka tamarta ee dalkan Yurub ku yaal.

Xilligii qaboobaha magaalooyinka waddanka Ukraine, ayaa dadka qaar waxaa qasab ku noqotay inay tagaan xarumaha loogu magacdaray “xarumaha adkaysiga” si mudadii ay korontadu go’neyd qabowga darranna uu dhacayay ay halkaas kulayl uga helaan.

Xarumahaas ayey dadku ka heli kareen koronto iyo wax ay isku kulayliyaan, iyo sidoo kale waxyaabaha asaasiga u ah nolosha sida cuno iyo dawo.

Dhammaan warshadihii korontada dhalinayay ee Ukraine oo dhan waxyeelo ayaa soo gaartay tan iyo markii Ruushku uu bilaabay inuu bartilmaameedsado kaabayaasha tamarta.

Kyiv ayaa sidoo kale waxaa gacanteeda ka baxay maamulkii warshadda ugu wayn nukliyeerka ee tamarta dhalisa ee Zaporizhzhia, taas oo haatan ku jirta gacanta Ruushka.

Bishii Juun 2022, ayey Ukraine sheegtay in dhammaadka sannadkaasi ay rajaynayso inay korontada ay u dhoofiso Yurub – oo ah suuqa ugu wayn ee ay korontada gaynaysay tan iyo markii uu dagaalku bilowday – ay ka heli doonto €1.5bn (£1.33bn).

Ad
Previous articleXukun dil ah oo lagu riday 14-nin oo katirsan kooxda Al Shabaab (Sawirro)
Next articleMustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo si adag ugu gacan seyray Abiy Axmed inuu taallo ka dhisayo Geesiyadii itoobiya uga dhintay Dagaalkii 1977

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here