Home Wararka Somaliya Galmudug Qoor Qoor oo La kulmay Culumo Soomaaliyeed oo Gaaray Dhuusamareeb Maxay Ka...

Qoor Qoor oo La kulmay Culumo Soomaaliyeed oo Gaaray Dhuusamareeb Maxay Ka wada Hadleen(Sawiro)

0

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa aqalka Madaxtooyada Dhuusamareeb ku qaabbilay qaar ka mid ah culimmada Soomaaliyeed oo soo gaaray magaalada.

Waxaa kulanka culimada ku wehlinayay wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Galmudug Mudane Xasan Cabdulqaadir Xuseen iyo xubno kale.

Culimada uu la kulmay oo ka yimid dalka Kenya ayaa waxaa ka mid ah Shiikh Xassan Al-Wajidi oo ka mid ah mashaa’iqda caanka ah ee Soomaaliyeed iyo qaar kale.

“Ujeedka imaanshaha culimmada ee deegaannada Dowladda Galmudug ayaa ah faafinta diinta, fadliga bisha Ramadaan iyo weyneynta Quraanka kariimka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Culimaaudiinkan oo safar ku maraya dhulka Soomaalida qeybo ka mid ah ayaa horey u soo maray maamulada Jubbaland iyo Hirshabelle oo ay kula soo kulmeen madaxda Maamuladaas hogaamisa.

Ad
Previous articleMustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo si adag ugu gacan seyray Abiy Axmed inuu taallo ka dhisayo Geesiyadii itoobiya uga dhintay Dagaalkii 1977
Next articleGantaalo ka yimid Siiriya oo ku dhacay Israaiil & xiisada Bariga dhexe oo Kacsan(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here