Home Wararka Maanta Mustafe Cagjar oo war cusub ka soo saaray kala dirida ciidanka...

Mustafe Cagjar oo war cusub ka soo saaray kala dirida ciidanka Liyu Boolis

0

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlayo faa’iidoyinka ku jira isbedelka lagu sameynayo ciidanka booliska gaarka ah Liyu Boolis.

Hadalka Mustafe ayaa yimid ka dib markii dadka qaarkood shaki ka muujiyeen talaabada dowlada dhexe Itoobiya ku kala direyso ciidamada Liyu Boolis.

Madaxweyne Mustafe ayaa qoraalka hadalkiisa ku bilaabay:

Ka Gudubka Siyaasadda Lugna-Baqo, Lugna-Dirir

Inkasta oo sababta keentay dib-u-habeeynta Qaab-dhismeeskoodu ayna ahayn hawl deegaanka ka dhalatay balse ay tahay mid dal ahaan timid, cid kasta oo aqli lehna ay garan kartay inay imanayso, haddana waxaa haboon in fursaddana looga faaiideeysto in wixii dhinaa ee la dareemayay ku dhawaad shantii sano ee isbadalku jiray dhinaca amniga deegaanka in lagu saxo.

Waxaa kamid ah qaabka hadda loo kala ilaaliyo qabaa’iladda isku dhaca oo ah qaab dab-damis ah. Sababta ugu wayn ee isku dhacyaddu u soo noqnoqanayaan, dambiilayaasha meelaha miyiga dilalka ka gaystana loo qaban la’yahay waa iyadoo ayna nidaamka boolisku kaba jirin inta badan tuulooyinka iyo degmooyinka Shacabku ku nool yahay.

Sidaa daraadeed waxaa xoogga la saari doonaa in boolis si joogta ah u shaqeeya ay ku sugnaadaan dhamaan meel walba oo shacabka deegaanku ku nool yahay, booliskaasina uu yahay mid haysta tasiilaadkii uu ku qaban lahaa shaqadda iyo goobihii uu ku shaqayn lahaa. Waxaa kale oo xoogga la saari doonaa in tababar la xidhiidha sharciga oo dheeri ah la siiyo boolis walba si ayna u dhicin tacadiyo lagula kaco muwaadiniinta.

Arintaasi waxay meesha ka saaraysaa dhaqankii hore ee dad rayid ah lagu xidhi jiray xeryaha milatariga. Waxayna sugaysaa xuquuqda muwaadinku u leeyahay in la horkeeno maxkamad hadii dambi loo haysto ee aan Xero ciidan la iskaga haysan sidii dhici jirtay. Markaa waxaa meesha ka baxaya dad rayid ah oo sifo aan sharci ahayn xerooyinka ciidanka loogu haysto ama goor aan munaasab ahayn lala baxo!

Dib-u-habeeyntani markaa waxay shacabka deegaanka gaar ahaan kuwa degmooyinka iyo miyiga ku nool u soo kordhinaysaa damaanad amni oo dheeraad ah. Waxaa kale oo ay xubnaha Booliska siinaysaa xuquuqo shaqo oo dheeri ah, halka ay ka reebayso shaqooyin ayna ku mushaar qaadan balse ay horay u hayeen oo ay ku dhibbanaayeen.

Marka laga gudbo wajiga koowaad ee dib-u-habeeynta, waxaynu xoogga saari doonaa sidii aynu qayb uga noqon lahayn hay’adaha amniga ee dalka. Ugu yaraan waxaan si deg deg ah ku sii bilaabi karnaa in dhalinyaraddeenu qayb ka noqdaan Booliska Fadaraalka ee ilaaliya Garoomadda Diyaaradaha, Jaamacadaha, Bangiyadda iyo hay’adaha Fadaraalka ee Deegaanka ku yaal. Waa hawlaha aynu ka cabano laakiin wali aynaan qorshihii lagu sixi lahaa u dhaqaaqin.

Amnigeenu wuxuu ku jiraa inaan hay’adaha amniga gaadhsiino inay joogto uga shaqeeyaan degmooyinka iyo tuulooyina, shacabkeena oo sharciga la baro ilaa miyiga si ay u kala badbaadaan, iyo hay’adaha amniga ee dalka aan ka tirsan nahay ee aan kana cabano kana cabsano oo aan wax ku yeelano! Siyaasadii aan ku jirnay nus-qarni in ka badan ee lugna baqo, lugna dirir waa inaan ka gudubnaa.

Ad
Previous articleMilateriga Myanmar oo duqeyn cirka ah ku dilay boqol qof oo shacab ah (Sawirro)
Next articleAxmed Macalin Cabdi iyo Cali Axmed Nuur oo Muqdisho Kufsi Ka Gaystay oo Lasoo Qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here