Home Wararka Maanta Musharixiinta Ugu Cadcad ee Beri ku loolami Doona Xilka Madaxweynaha Soomaaliya(Xog)

Musharixiinta Ugu Cadcad ee Beri ku loolami Doona Xilka Madaxweynaha Soomaaliya(Xog)

0

Ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta galay maalintii ugu dambeysya kahor doorashada oo dhaceysa berri oo Axad ah.

Waxaa xoogeystay dadaalka ay wadaan musharaxiinta ee ay ku raadinayaan codadka xildhibaanada, ayada oo xildhibanaaduna ay isku marayaan musharaxiinta ugu xooggan, oo marba ay taagan yihiin xarunta ololaha ee musharax gaar ah.

Arrintan yaabka leh ayaa ah in illaa hadda uusan jirin musharax bixiyey lacag, sidii horey caadada u aheyd, balse waxay u badan tahay in haddiiba la bixinayo inay noqoto caawa.

Sida ay illaa hadda wax u socdaan, waxaa loolanka ku horreeya madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo saacadihii ugu dambeeyey ay u jabeen xildhibaano kasoo kala jeeda Somaliland iyo Koonfur Galbeed, halka uu horey u haystay inta badan xildhibaanada HirShabelle iyo Galmudug.

Ka sokow Xasan Sheekh, musharaxiinta kale ee la filayo inay wareegga koowaad kasoo gudbaan ayaa ah Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed iyo Saciid Deni. Waxaa sii dhimaneysa rajada Xasan Cali Kheyre, oo xildhibaano badan ay u arkaan inaan hoggaanka dalka lagu aamini karin marka la eego diiwaankiisa ra’iisul wasaarenimo.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa inay u badan tahay inay wareegga ugu dambeeyey doorashada isku wajahaan Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ama Xasan Sheekh iyo Farmaajo, haddii aanay wax isbeddelin saacadaha ugu dambeeyey.

Inkasta oo Saciid Deni la rumeysan yahay inuu kasoo gudbi doono wareegga koowaad, haddana xogta aan helnay ayaa sheegeysa inuusan rajo ka qabin xilka madaxweynaha, islamarkaana ujeedkiisa ugu weyn uu yahay inuu codadkiisa wareegga koowaad ku gorgortamo, isaga oo raadinaya xilka madaxweynaha.

Deni ayaa la rumeysan yahay inuu taageeri doono madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay aad isugu dhow yihiin.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa dad badan ay rumeysan yihiin inuu guuleysan karo hadduu kasoo gudbo wareegga koowaad, islamarkaana noqdo mid ka mid ah saddexda musharax ee ugu codadka badan. Si kastaba, Shariif ayaa laga cabsi qabaa inuu galo kaalinta afaraad, taasi oo ku qasbi karta inuu haro.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu wareegga koowaad galo kaalinta koowaad ama labaad, waxaana la saadaalinayaa inuu ka adkaano karo musharaxiinta kale ee dhan, marka laga reebo Shariif oo la sheegay in haddii ay isku haraan uu halis wajihi karo.

Xaaladda ayaa ah mid saacadba saacadda ka dambeysay sii yeelaneysa xamaasad, waxaana mar kasta abuurmaya isbaheysiyo cusub, taasi oo xaaladda si deg deg ah u beddeli karta.

 

 

 

 

 

 

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,

Raisal Wasaare Xamze oo Magacaabay Wasiiro Cusub Kadib Isku Shaadheyn uu Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamze Abdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah: 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi –

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay

Madaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya
Ad
Previous articleFariin Cusub oo loo Diray Musharixiinta Beri Ku Tartamaysa Madaxweynaha Soomaaliya
Next articleDeg Deg: Daahir Maxamud Geele oo Ka Haray Tartanka Madaxweynaha Soomaaliya Sababtana Shaaciyay