Ciidanka Booliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Warta-Nabadda, ayaa gacanta ku dhigay Xasan Cilmi Bootaan, kaas oo lagu eedeeyay fal ka dhan ah sharafta iyo karaamada gabdhaha Soomaaliyeed.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka booliiska, Xasan Cilmi Bootaan ayaa laga soo qabtay xarun uu ugu magac daray “Dugsiga Raaliyo”, halkaas oo uu dhawaan ku baahiyay muuqaal uu ku sheegay in gabdho lagu heli karo si bilaash ah marka guri la iibsado.
Booliisku wuxuu sheegay in falka lagu eedeeyay Xasan Cilmi Bootaan uu si cad uga hor imaanayo qiyamka bulshada iyo sharafta haweenka Soomaaliyeed.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xasan Cilmi Bootaan uu haatan ku jiro gacanta booliiska, isla markaana uu ku socdo baaritaan hordhac ah.
Marka baaritaankaasi soo dhammaado, waxaa loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh dacwaddiisa.
Dhanka kale, Booliiska Caasimadda ayaa uga digay shaqsiyaadka iyo kooxaha danaha gaarka ah leh ee ku gabanaya magaca difaaca xuquuqda haweenka, isla markaana faafinaya warar, eedeymo ama hadallo marin-habaabin ah oo dhaawacaya sumcadda hay’adaha amniga iyo kalsoonida bulshada, inay ka waantoobaan falalka noocaas ah.
Booliisku wuxuu intaa ku daray in qof kasta oo jeediya ama faafiya hadallo lagu carqaladeynayo amniga iyo kala dambeynta bulshada, laguna abuuro cabsi, qalqal iyo jahawareer dadweyne, laga qaadi doono tallaabooyin waafaqsan sharciga.



