Home Wararka Maanta Muqdisho:Labo wiil iyo hooyadood oo tooreey ku dilay Aabihii qoyska.

Muqdisho:Labo wiil iyo hooyadood oo tooreey ku dilay Aabihii qoyska.

0

Xalay Waxaa Magaalada Muqdisho Ka Dhacay Fal layaab leh oo Dad badan ka Argagaxeen kadib Markii Hooyo iyo Laba Wiil oo ay Dhashay ay aabihii Qoyska Ku Dileen Tooreey.

Arintaan Ayaa Ka Dhacaday Xaafad ka Tirsan degmada Kaaraan markii Hore Waxaa isku Dhacay Hooyada Qoyska iyo Aabaha Qoyska Kadib Gavan Qaad Dhacay Hooyada ayaa Wacatay laba Wiil oo Wawayn oo ay dhashay Ninkale Kadibna Waxay isugu Tageen Aabihii Guriga ayagoo ugu Danbayn Ku Dilay Tooray.

Mid kamid ah Wiilasha uu Dhalay aabaha oo Ku Sugnaa Guriga Ayaa Shebeele u sheegay inuu Arkaayay aabaha iyo Hooyada oo Isdagalaaya Kadibna Hooyada ay Qol Gashay oo Wiilkeeda Wayn Wacatay Markii uu yimidna ay aabe isugu Tageen kadib Tooreey uga Dhufteen Dhowr meel Sidaasna uu Dhiig bax ugu dhibtay.

Arimahaan Laxariira Dagaalka Qoysaska ayaa maalmahaan ku soo Badanaaya Magaalada Muqdisho Dhawaan ayay ahayd Markii Luul Cabdicasiis uu Saygeedu ku gubay Dharkeenleey taas oo ilaa Haatan aan la Duugin.

Qoyska Ninkaan Xalay Lagu Dilay kaaraan ayana Wacad ku maray inaysan Duugi Doonin maydka ilaa laga Soo Qabto Hooyada iyo labada Wiil ee aydhashay ee Dilay aabihii Qoyska Kuwaas oo Hataan Baxsaday lana Baadi goobaayo.

 

Ad
Previous articleAjaanib Ka Tirsanaa Alshabaab iyo Daacish oo lagu Qabtay Puntland
Next articleCiidamada Haramcad oo Amar Cuulus lasiiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here