Home Wararka Maanta Ciidamada Haramcad oo Amar Cuulus lasiiyay

Ciidamada Haramcad oo Amar Cuulus lasiiyay

0

Taliyaha Ccidanka booliska Somaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo saraakiil la socotay ayaa caawa kormeer ku tagay xerada taliska u ah ciidanka Haramcad ee loogu magac-daray Gen Farxaan Qaroole.

Jeneraal Sulub ayaa warbixin ka dhageestay saraakiisha taliska u ah ciidanka Haramcad uu booqday, waxa ayna saraakiisha taliyaha uga warbixiyeen shaqada ay ciidanka u hayaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan caasimadda Muqdisho.

Taliyaha  ayaa uga mahad-celiyay ciidankan sida feejignaanta leh iyo turida leh oo ay u guteen waajibaadkii ka saaranaa sugidda amniga, waxa uuna ku ammaanay ciidanka doorka ay ka qaateen xasilinta caasimadda.

Ugu Dambeyn taliyaha ayaa amray ciidamada in ay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka ciidanka, kana fogaadaan wax kasta oo wax u dhimi kara sharafta ciidamada, isaga oo sidoo kale amray in ay kahor tagaan dhagarta ay maleegayaan kooxaha cadawga ah.

Ad
Previous articleMuqdisho:Labo wiil iyo hooyadood oo tooreey ku dilay Aabihii qoyska.
Next articleRizwan Javed oo Da’yar Muslim ah oo badbaadiyay nolosha 29 qof iyo abaal-marin muhiim ah oo la siiyay!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here