Home Wararka Maanta Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah oo Ka dhan ah Xasan Shiikh Laqaatay...

Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah oo Ka dhan ah Xasan Shiikh Laqaatay James Swan

0

Ku simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo weli sii wada kulamadiisa gaar gaarka ah ayaa xalay wada-hadal khadka taleefoonka ah la yeeshay madaxweynaashii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo Sheekh Shariif  Sheekh Axmed, isaga oo kala hadal arrimo xasaasi ah.

Wada-hadalladan ayaa qayb ka ahaa wadatashiyo uu maalmahan James Swan la yeelanayo daneeyayaasha siyaasadda, si uu xog wareysto xaaladda guud ee dalka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee loo yaqaano UNSOM.

“Isagoo sii wada xiriirada uu la samaynayo daneeyayaasha Somaaliyeed ayaa  Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan uu khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”, ayaa lagu yiri qoraalka UNSOM.

Farmaajo iyo James Swan ayaa waxa ay si gooni ah uga wada-hadleen isbeddeladii ugu dambeeyay ee dalka dhacay iyo sida looga shaqeyn karo horumarka Soomaaliya.

“Waxay ka wadahadleen is baddalladii  ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo fursadaha lagu horumarinayo mudnaanta Qaranka” ayaa lagu sii raaciyay warka qoraalka ah ee UNSOM.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo isla noocaan ah oo ay xalay wada yeesheen madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ergeyga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya kaas oo isna ahaa khadka taleefoonka ah.

Shariif iyo Swan ayaa si gaar ah uga wada-hadlay arrimo ku aadan horumarada dalka ka socda iyo sida loo sii ambaqaadi lahaa horumarka jira.

“Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan ayaa maanta magaalada Muqdisho khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Waxay ka wada hadleen horumarada dalka ka socda iyo sida loo sii ambaqaadi lahaa horumarka jira” ayaa lagu yiri qoraal kale oo kasoo baxay UNSOM.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho kulamo ka waday James Swan oo markii labaad loo soo magacaabay wakiilka QM ee Soomaaliya, isaga oo horey usoo ahaa ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM iyo madaxa UNSOM laga soo bilaabo 2019 ilaa 2022, kadib markii uu muddo dheer ka soo shaqeeyay adeegga diblomaasiyadda ee Mareykanka.

Ad
Previous articleSaciid Deni oo Qayladhaan U dirsaday Beesha Caalamka Xili Dowlada Soomaaliya oo Dhuunta Qabatay
Next articleBenny Gantz oo ka mid ahaa wasiirrada xukuumadda dagaalka ee ra’iisal wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu oo iscasilay iyo xaalka Natayaahuu oo sii Xumaaday