Home Wararka Maanta Saciid Deni oo Qayladhaan U dirsaday Beesha Caalamka Xili Dowlada Soomaaliya oo...

Saciid Deni oo Qayladhaan U dirsaday Beesha Caalamka Xili Dowlada Soomaaliya oo Dhuunta Qabatay

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qeylo-dhaan uu u diray saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa u ku dalbaday inay xaqiijiyaan in si cadaalad ah oo siman loo qaybsado deeqaha iyo gargaarka horumarineed, isaga oo eedeyn culus u jeediyey dowladda federaalka.

Codsigan oo loo diray hay’ado iyo dalal badan oo caalami ah, ayuu Deni hoosta kaga xariiqay welwelka weyn ee uu ka qabo wax uu ugu yeeray “siyaasadeynta sii kordheysa ee deeqaha” ee dowladda federaalka.

Saciid Deni waxa uu qeylo dhaan ka muujiyay lacagaha ka yimaada deeq bixiyayaasha caalamka oo uu sheegay in dowladda federaalka ay adeegsato ajandayaal siyaasadeed, taasi oo uu ku andacoonayo inay socotay tan iyo markii isaga dib loo doortay.

“Siyaasadeynta mashaariicda Puntland loo qoondeeyay, barnaamijyada iyo taageerada miisaaniyadeed waxay socotay 18-kii bilood ee u dambeeyay,” ayuu yiri Saciid Deni.

Saciid Deni ayaa sheegay in la isku dayey in uu arrintan xal kala gaaro dowladda federaalka iyo bankiyada horumarinta balse aanu ku guuleysan.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyey dowladda federaalka inay billaabeen olole war xumo tashiil ah iyo warar been abuur ah, oo la doonayo in lagu qalqal geliyo dowlad goboleedka Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

Deni ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la helo hanaan loo wada dhan yahay oo ku saabsan deeqaha dibadda, ganacsiga, heshiisyada, kheyraadka dabiiciga ah, iyo arrimo kale ee waaweyn ee saameynta ku leh danaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, oo ay ku jirto Puntland.

Waxa uu ku dooday in falalka Muqdisho ay iska indha tirayaan waajibaadkii dastuuriga ahaa, iyo xaaladda taagta daran ee qaranka, taasi oo halis gelin karta xasiloonida iyo midnimada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka la eego xaaladdan halista ah, waxaan ka codsanaynaa saaxiibadeena caalamiga ah inay garwaaqsadaan culeyska xaaladdan,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

“Waxaan codsaneynaa in la sameeyo hannaan beddel ah oo awood u siinaya bankiyada horumarinta inay si toos ah u caawiyaan oo ay u taageeraan Puntland, kana madax-banaan siyaasadda Muqdisho.”

Qeylo-dhaanka Deni ayaa imaneysa ayada oo Puntland ay wajaheyso xaalad dhaqaale xumo oo liidata, xilli ciidamada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha maamulka aan mushahar la siin muddo bilo ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda federaallka ay Deni ka jartay qaar ka mid ah qoondadii Puntland ay ku laheyd deeqaha caalamiga ah, halka qaar kalena lagu dhibo.

Puntland ayaa horey u sheegtay inay u macaamileyso si ka madax-banaan dowladda federaalka, hase yeeshee beesha caalamka ayaa weli deeqaha u soo marisa dowladda federaalka.

Dagaalka Khartuum oo Xoogeestay iyo Ciidanka RSF oo la go’doomiyay

Ciidanka milatariga dalka Sudan , ayaa weerar culus oo u muuqda soo afjarid ku qaaday saacado kahor goobaha ay magaalada Khartuum kaga sugan yihiin ciidanka gurmadka deg degga ee RSF,

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Howlgalo ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeellaha Dhexe

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay. Saraakiisha hoggaamineysay

Hay’adda NISA oo rag ka tirsan Al-shabaab kusoo qabtay Howlgallo ay ka sameeyeen Dayniile iyo Dharkeenlay

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa
Ad
Previous articleWasiir Roobow oo si yaab leh uga jawaabay eedda loo jeediyay
Next articleMucaaradka oo Shir Xasaasi ah oo Ka dhan ah Xasan Shiikh Laqaatay James Swan