Home Wararka Caalamka Benny Gantz oo ka mid ahaa wasiirrada xukuumadda dagaalka ee ra’iisal wasaaraha...

Benny Gantz oo ka mid ahaa wasiirrada xukuumadda dagaalka ee ra’iisal wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu oo iscasilay iyo xaalka Natayaahuu oo sii Xumaaday

0

Benny Gantz oo ka mid ahaa wasiirrada xukuumadda dagaalka ee ra’iisal wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa Axaddii shalay is casilay, tallaabadaasi oo cadaadiska ku sii kordhineysa Netanyahu.

Gantz ayaa ahaa xubinta kaliyah ee xisbiyada siyaasaddoodu dhex-dhexaadka tahay ee ku jiray xakuumadda ay majaraha u hayaan isbaheysiga midigta fog ee Isra’il.

Gantz ayaa waxa uu xukuumadda Israel ka tirsanaa tan iyo inti uu billowday dagaalka Gaza muddo hadda laga joogo siddeed bilood.

Is-casilaadda Gantz ayaanan khatar deg deg ah hadda ku aheyn dowladda Isra’il, hase yeeshee yeelan karta cawaaqib halis ah, isla markaana ka dhigtay xukuumadda Isra’il ee hadda jirta mid ay isugu soo hareen wasiirro gabigoodba ah kuwo mayal adag oo si aada ah u jira dhinaca midigta fog.

Benny Gantz ayaa horay uga digay is casilaadiisa haddii uusan Natanyahu la iman istaraatiijiyad cad oo ku aaddan Gaza, xilli Isra’il ay sii wadday dagaal millatari oo ay ku dishay tobnaan kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur.

Netanyahu ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada oo uu uga jawaabayay is cazillaadda Ganz ku sheegay, in aanan hadda la joogin waqti laga tago dagaalka.

Ad
Previous articleMucaaradka oo Shir Xasaasi ah oo Ka dhan ah Xasan Shiikh Laqaatay James Swan
Next articleCiidamada Dowlada oo Goordhow Degmo Muhiim ah kala Wareegay Alshabaab