Home Wararka Maanta Ms. Fiona Lortan oo loo Magacaabay Booska ergay Horay Soomaaliya Looga...

Ms. Fiona Lortan oo loo Magacaabay Booska ergay Horay Soomaaliya Looga Cayriyay

0

Guddiga Midowga Afrika ayaa soo magacaabay ergay cusub oo noqon doona ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (DRCC) iyo ku xigeenka madaxa ergada, kadib markii Soomaaliya laga ceyriyay ergaygii hore.

Ms. Fiona Lortan ayaa loo magacaabay in ay noqoto ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, waxaana booskan horey u joogay Simon Malungo oo u dhashay dalka Uganda oo dowlada Soomaaliya dalka ka ceyrisay.

Haweeneydan oo guddiga Midowga Afrika ku biirtay sanadkii 2002-dii ayaa looga fadgiyaa in door muhiim ah ka ciyaarto marxaladan kala guurka ah ee Soomaaliya ku jirto iyo sidii Midowga Afrika gacan uga geesan lahaa xoojinta xasiloonida iyo ammaanka Soomaaliya .

Fiona Lortan oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa kasoo shaqeesay wadamo dhoor ah, waxa ayna hada aheyd inta aan xolkan cusub loo magacaabin Ku-simaha Agaasimaha Maareynta Khilaafaadka ee Waaxda Nabadda iyo Amniga ee Arrimaha Siyaasadda (PAPS).

Ad
Previous articleHabraacyada Kuraas ka Mid noqon Doona Golaha Shacabka oo la Shaaciyay
Next articleGudiga doorashooyinka oo lagu Amray inay Ka Guuraan Hotel aya Ka Daganayeen Muqdisho iyo Sababta oo la Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here