Home Wararka Maanta Mileteriga Soomaaliland oo Wacad ku Maray inay Dhaafi Doonaan Laasacaanood

Mileteriga Soomaaliland oo Wacad ku Maray inay Dhaafi Doonaan Laasacaanood

0

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay qorsheynayso duullaankii ugu weyna ee ay ku qaado Laascaanood, si ay dib ugu soo celiso gacanteeda, xilli ay hadda ka taliso SSC-Khaatumo.

Milateriga Somaliland oo ku goodiyay inuu markale la wareegi doono qaybaha uu lumiyay gobolka Sool, ayaa sheegay in uu xataa dhaafi doono Laascaanood, taasi oo ka dhigan in xukuumadda Muuse Biixi ee muddo xileedkeedu dhamaaday ay duullaanka ku raadineyso dhibco ay doorasho ku gasho.

Taliyaha Millateriga Somaliland oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa waxa uu meesha ka saaray in awooddii ciidanka Somaliland ay wiiqmatay kadib markii looga adkaaday dagaalka Laascaanood, isagoo sheegay in ciidankiisu uu weli awood badan yahay, uuna u diyaarsan yahay inuu soo ceshado dhulkii uu ku lumiyay dagaalka, sida uu sheegay.

“Dadwaynaha reer Somaliland waxaan u sheegaya in aanu si dhakhso ah xadka u gaadhayno wakhtigeeda, ciidanku waa kii naftooda waxay u huryaan dalka, awoodoodii iyo xoogoodiina way leeyihiin,” ayuu yiri Taliye Nuux Ismaaciil Taani.

Goodiskan ayaa imanaya xilli ay inta badan deegaanada gobolka Sool ka hana-qaaday maamulka KMG ee SSC, kaasi oo aqoonsi ka helay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kalena waxay kusoo aadeysa xilli taliska Muuse Biixi uu wajahayo loolan doorasho oo adag, ayna boog ku noqotay guul-darada Laascaanood.

Ciidamada Somaliland ayaa sanadkii tegay ee 2023-ka lumiyay gacan ku haynta inta badan gobolka Sool iyo magaalo madaxda Laascaanood, kadib dagaal billo socday oo ay dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamo si beelaysan u abaabulan ay dagaal la galeen Somaliland, iyada oo ugu dambeyn 2-kii August 2023 laga adkaaday ciidamada Somaliland.

Si kastaba, Somaliland ayaa weli aamisan in Sool ay kamid tahay dhulkeeda, iyada oo ciidamo fara badan tababaratay kadib jabkii ciidankeeda, halka ay dadka deegaanka dhisteen maamul ka madax-bannaan Somaliland, kaasi oo aqoonsi KMG ah ka haysata dowladda federaalka Soomaaliya.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleGalmudug:Maxabuus oo Doonaayay inuu Xabsi uu Ku xirnaa La Baxsado oo La dilay
Next articleWar Deg Deg ah: Hogaamiyaha SSC Khaatumo oo ka Qaybgaalaya Shirka Madasha wadarashi Qaran Xili Deni Diiday inuu Yimaado