Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Hogaamiyaha SSC Khaatumo oo ka Qaybgaalaya Shirka Madasha...

War Deg Deg ah: Hogaamiyaha SSC Khaatumo oo ka Qaybgaalaya Shirka Madasha wadarashi Qaran Xili Deni Diiday inuu Yimaado

0

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye ayaa Goordhow Soo Gaaray  caasimadda dalka ee Muqdisho, hal kaasi oo uu ka furmayo gelinta danbe ee maanta shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Maamul-goboleedyada iyo Madaxda Federaalka.

Firdhiye ayaa la sheegey in uu sidoo kale ku wajahan yahay safar dibedda ah oo Kenya, Yurub ilaa Mareykanka ah.

Safarka Firdhiye ee ka Qaybgalka Shirka Wadatashi Qaran ayaa Kusoo Aadaaya Xili Uu Diiday inuu kasoo Qayb galo Madaxweynaha Puntland Deni.

Waa markii Ugu horaysay ee SSC Khaatumo ka Qayb galayso Shirka amadasha Wadatashi Qaran Tan iyo Markii Soomaaliland laga Saaray Laasacaanood.

Ad
Previous articleMileteriga Soomaaliland oo Wacad ku Maray inay Dhaafi Doonaan Laasacaanood
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Shirka Madasha Wadatashi Qaran ee Muqdisho Ka Furmay(Sawiro)