Home Wararka Somaliya Galmudug Galmudug:Maxabuus oo Doonaayay inuu Xabsi uu Ku xirnaa La Baxsado oo La...

Galmudug:Maxabuus oo Doonaayay inuu Xabsi uu Ku xirnaa La Baxsado oo La dilay

0

Guriceel- Nin maxbuus ah oo isku dayey inuu xoog kaga baxsado saldhigga booliiska ee degmada Guriceel ayaa rasaas lagu furay, taas oo keentay inuu halkaas ku geeriyoodo Sida ay inoo xaqiijiyeen taliska booliiska degmada, maxbuuska ayaa isku dayay inuu ka baxsado saldhigga iyada oo ay ku sugnaayeen askarta booliiska ee heegan ahayd xiligaasi, taas oo sababatay in rasaas lagu rido.

Dhacdadan ayaa kusoo beegantay xilli ay maalmo ka hor ka baxsadeen saldhigga afar maxbuus oo kale, kuwaas oo ilaa iyo haatan aan la helin. Inkasta oo laamaha booliisku aysan faahfaahin dheeraad ah ka bixin baxsadkaas hore.

Ad
Previous articleShir Mudaxileedka Madaxda Maamul Goboleedyada Markale loogu Kordhinaayo Oo Maantay Muqdisho ka Furmaaya
Next articleMileteriga Soomaaliland oo Wacad ku Maray inay Dhaafi Doonaan Laasacaanood