Home Wararka Somaliya Midowga Yurub oo dhimay mushaaraadka Ciidanka Kenya ee ka howlgalla Somalia

Midowga Yurub oo dhimay mushaaraadka Ciidanka Kenya ee ka howlgalla Somalia

0

Midowga Yurub (EU) iyo la-hawlgalayaashooda Caalamiga ah ayaa kala bar dhimay miisaaniyada ciidamada la dagaalamaya Al-Shabaab ee Soomaaliya kadib markii si qarsoodi ah uga baxeen askarta Kenya.

Wasaaradda Maaliyadda Kenya  ayaa u sheegtay baarlamaanka Isniintii in Kenya ay ka heshay Sh4.5 bilyan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) muddadii 12-ka bilood illaa iyo Juunyo 2019 marka loo eego bartilmaameedka ahaa Sh8.5 billion.

Dhimitaankaan ayaa la xiriira qeyb ka bixitaanka ciidamada Kenya ee loo soo diray Soomaaliya sanadkii 2007 si ay uga difaacaan dowladda ay taageerto beesha caalamka weerarada Shabaab.

Baarlamanka Kenya ayaa baarey sababta Kenya ay lacag yar ugu heshay ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya marka loo eego miisaaniyada.

“Lacagta la helay waxay ku saleysneyd tirada ciidamada dhabta ah ee la keenay Soomaaliya. Bishii Luulyo, 2018, tirada ciidamada ayaa markii dambe la dhimay, ”Julius Muia, xoghayaha maaliyadda (PS) ayaa yiri isaga oo aan shaacin tirada dhabta ah.

28-da dal ee EU, oo ah kan ugu weyn ee dhaqaalaha ku bixiya AMISOM iyada oo loo marayo Xarunta Nabadda ee Afrika, ayaa taageereysay barnaamijyada iyo howlaha Midowga Afrika.

Midowga Yurub wuxuu maalgeliyaa gunnooyinka ciidamada Amisom iyo booliska, mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah ee caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, kharashaadka ku baxa howlaha xafiisyadooda, iyo kuwo kale.

Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), dhanka kale, wuxuu taageero dhanka saadka ah siiyaa ciidamada Amisom iyo Ciidamada Amniga Qaranka Soomaaliyeed inta ay socdaan howlgalada wadajirka ah.

Beesha caalamku waxay bixisaa $ 1,028 (Sh111, 229) askari kasta bishii, dowladaha ay ka tirsan yihiin waxay markaa ka jaraan $ 200 (Sh21,640) kharashaadka maamulka, taas oo uga dhigeysa inay Guryahooda kula noqonayaan $ 800 (Sh86,560).

Ad
Previous articleWararka ugu danbeeyay Ciidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo Howgalo ka sameeyay Gobolka Mudug
Next articleCiidanka Xasilinta Gobolka Mudug ee Galmudug iyo Puntland oo ku baxay Shaqaaqada ka dhacday Duleedka Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here