Home Wararka Somaliya Midowga Musharaxiinta sidee u arkaan Tilaabadii uu qaaday R/W Rooble markuu xilka...

Midowga Musharaxiinta sidee u arkaan Tilaabadii uu qaaday R/W Rooble markuu xilka ka qaaday Saraakiil ka Tirsan NISA

0

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay ka hadleen Arimaha Doorashooyinka dalka iyo tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay xilka qaadistii Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku sameeyay Agaasimihii Shaqaalaha NISA iyo Taliyihii Nabadsugida Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Midowga Musharixiinta ayaa ugu baaqay laamaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya iyo Shacabka in lanilaaliyo Dastuurka dalka lagana fogaado waxkasta oo dib u dhac iyo khilaaf keeni kara.

” Goluhu wuxuu soo jeedinayaa in talaabada Ra’iisal Wasaaraha ee lagaga hortagayo xayiraadaha sharci-darrada ah ee ka dhanka ah ee xoriyada safarka muwaadiniinta iyo mas’uuliyiinta Soomaaliyeed, ay noqoto mid si siman uga hirgasha dalka oo dhan ayaa lagu yiri qoraalka Musharixiinta.

Ugu dambeyn  Golaha Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay ugu baaqeen  Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Abdullahi Farmaajo in uu ka waantoobo ku tumashada
Dastuurka dalka oo uu caadeeystay iyo faragelinta joogtada ah ee uu ku haayo geedisocodka dalka u jiheeystay ee ah in ay dhacaan doorasho xor iyo
xalaal ah oo ku qabsoonta muddada loo cayimay.

Ad
Previous articleKulan Loogu duceynayay Dadkii Lagu laayay Qaraxii Aqalka Dowladda Hoose oo Maanta Kulan Duca ah loo sameeyay (Sawiro)
Next articleCiidamo ka Tirsan Dowladda oo ku dagaalamay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here