Home Wararka Somaliya Midowga Musharaxiinta oo soo dhaweeyay Heshiiskii Doorashada

Midowga Musharaxiinta oo soo dhaweeyay Heshiiskii Doorashada

0

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyay heshiiska laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka kadib markii maanta si rasmi ah loo saxiixay heshiiska doorashada.

Guddoomiyaha midowga musharaxiinta ahna madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa munaasabada gunaanadka shirka wadatashiga ka sheegay in ay soo dhoweynayaan heshiiska waxana uu codsaday in heshiiska lagaaray la fuliyo.
Waxaan soo dhoweyneynaa heshiiska la gaaray oo soo gabagaeeyay cabsi iyo walwal ay qabeen shacabka iyo siyaasiyiinta soomaaliyeed,waxaana muhiim ah in aan dhidibada u aasno nadaam dimuqraadi ah wixii lagu heshiiyayna inaan la garab marin.”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada inay hirgeliyaan kuna dhaqmaan heshiiska la gaaray.

“Heshiis gaarida waa fududahay waa inaan fulino heshiiska la gaaray doorashaduna ay dhacdo,deegaanada waxaan ka codsanaynaa in ay soo doortaan dad matali lkara dowladnimadana meteli kara”ayuu sii raaciyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale waxa uu goobta ka sheegay in isjiidjiidkii ka jirey bilihii la soo dhaafay dalka laga fursan karay waxana uu ku baaqay in la is cafiyo si doorashada loo galo iyadoo aan la kala shakineynin.

“Waxaa la isku hayay siyaasad ayay ahaayeen colaad qabiil ma jirin madaama hesiis la gaaray waa in la is cafiyo caloosha la wada furo, doorashadana la galo iyadoo dhinac la fiirineyn,anigoo ku hadlaya magaca midowga musharaxiintana waxaan soo jeedineynaa cafis iyo masaamax wixii aan soo jeedineynayna waxa ay ahayd aragti siyaasadeed,”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Ugu dambeyntii Sheekh Shariif guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa raali gelin ka bixiyay jahwareerki soo maray dalka bilihii la soo dhaafay kadib markii lagu kala aragti duwanaaday arrimaha doorashada.

 

Ad
Previous articleMadaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo Lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb (Sawiro)
Next articleFarmaajo Maxuu ka yiri Heshiiskii Doorashada ee Maanta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here