Home Wararka Maanta Gudoomiyihii Ciyaaraha Degmada Waaberi oo Muqdisho loogu Dilay Sabab Kaa Yaabinaysa

Gudoomiyihii Ciyaaraha Degmada Waaberi oo Muqdisho loogu Dilay Sabab Kaa Yaabinaysa

0

Askari katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay gurigiisa oo kuyaalla degmada Waabari ee gobolka Banaadir ku weeraray kuna dhaawacay guddoomiyihii ciyaaraha degmadaasi Mahad Maxamuud Axmed (Injey).

Sida aan wararka ku helnay askariga ayaa xabbad ku dhuftay guddoomiyaha xilli uu afur isku diyaarinayay xalay, waxaana dhaawac culus oo soo gaaray guddoomiyaha loola cararay isbitaal ,halkaas uu saakay ku geeriyooday sida eheladiisa sheegeen.

Akariga dilka geestay ayaa la sheegay in uu ka carrooday in boos VIP ah oo katirsanaa garoonka xarunta degmada Waabari shalay galab laga kiciyay, waxaana la sheegay in guddoomiyaha iyo askariga oon labisneen ay garoonka ku murmeen.

Gacankudhiiglaha oo ka carreesnaa in laga kiciyay halkii uu fadhiyay ayaana la sheegay in carro uu arrintaasi ka qaaday darteed xabbad ugu dhuftay guddoomiyihii ciyaaraha degmada Waabari Mahad Injey oo ahaa nin aad looga jeclaa degmadaasi.

Ad
Previous articleMid kamid Taliyayaashii Ciidamadii Furimaha Galmudug kasoo Baxay oo Xilka Laga Qaaday
Next articleMadaxweynihii hore ee Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir laga saaray goobtii lagu hayay ogoow Sababta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here