Home Wararka Somaliya Galmudug Mid kamid ah Horjoogayaashii Alshabaab ee Ku sugnaa Koonfurta Mudug oo Gacanta...

Mid kamid ah Horjoogayaashii Alshabaab ee Ku sugnaa Koonfurta Mudug oo Gacanta Lagu Dhigay

0

Horjooge ka Tirsan kooxda Alshabaab ayaa saakay iska soo dhiibay Agga Degaanka Gabdhaale oo dhanka koofureed kaga beegan Degaanka Qararow, kaas oo ay gacanta kusoo dhigeen Ciidmaada Macawisleyda Koonfurta Gobolka Mudug.

Horjoogahaan oo lagu magacaabo Mowliid Buule Adan Barrow oo magaciisa Afagarashadu yahay (seefulaah) ayaa isku soo dhiibay Ciidmaada Macawisleyda Koonfurta Mudug oo uu hogaaminayay Taliyaha Ururka 1-aad ee Macawisleyda Taliye Gureey Nuur oo Wehliyo Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Daraawiishta Galmudug G/le Geedi Qalabxor, waxaana hadda loo soo dhaadhaciyay Degmada Wisil oo fariisin u ah howlgalka Koonfurta Gobolka Mudug.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa la dardargaliyay howlgalada ka dhankaa kooxda Alshabaab  ee koonfurta Mudug.

Ad
Previous articleXamaas oo Ugu Danbayn Aqbashay Heshiiskaan oo ay Mudo Diidanaayeen
Next articleMeleeshiyaad Hubaysan oo Xalay Weerar Ku Qaaday Gudaha Magaalada Dhabad