Home Wararka Somaliya Galmudug Meleeshiyaad Hubaysan oo Xalay Weerar Ku Qaaday Gudaha Magaalada Dhabad

Meleeshiyaad Hubaysan oo Xalay Weerar Ku Qaaday Gudaha Magaalada Dhabad

0

Maleeshiyaad Hubaysan ayaa Xalay Weerar Ku Qaaday Magaalada Dhabad ee Gobalka Galgaduud Maleeshiyaadkaan ayaana Rasaas Huwiyay Meel ay ku sugnaayeen Dhalinyaro Cawaynaysay.

Rasaastaan ayaana Waxaa Ka dhashay Dhaawac iyo Dhimasho inta La Xaqiijiyay Waxaa Dhintay Hal qof waxaana Dhaawacmay ilaa Sadex Kale oo qaarkood Dhawacoodu Halis yahay.

Maleeshiyaadka Weerarkaan Gaystay ayaa kasoo Jeeda Beesha Reer Xaaji Saleebaan kuwaas oo Dhowr Mar ay Beesha wagardhac Dad iska Dileen Balse Waxaa Layaab leh in Meleshiyaad kasoo Jeedo cadaado ay ku dhiiradaan inay Dad kusoo Dilaan Gudaha Magaalada Dhabad.

Galmudug ayaa Haatan Waxaa ka Taagan Is Qabqabsiga Beelaha Galmudug Dhawaan asbuucaan Dhexdiisa Beelaha Dir iyo Marexaan Iska Dileen ku Dhawaad 60 qof iskana Dhawaceen inkabada 100 kale Galmudug ayaana Ciidamado Kala dhex Dhigtay Maalin Kadib Dagaalkaan Qaraar ee Dhex Maray Labadaan Beelood.

Ad
Previous articleMid kamid ah Horjoogayaashii Alshabaab ee Ku sugnaa Koonfurta Mudug oo Gacanta Lagu Dhigay
Next articleXog Cajiib ah oo dheeri ah oo laga Helay Ninkii Xerada Imaaraadka ku laayay Askartii Imaaraadka ahayd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here