Home Wararka Maanta Mid kamid ah Gudoomiyaashii Gobalka Banaadir oo Maxkamad looga Yeeray

Mid kamid ah Gudoomiyaashii Gobalka Banaadir oo Maxkamad looga Yeeray

0

hore ee Degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan Geedow ayaa looga yeeray Maxkamadda Gobolka Banaadir, isaga oo wajahaya kiis dacwadeed xasaasi ah.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu faray Axmed Geedow inuu hor yimaado Maxkamadda 10 Bishaan April oo ku beegan Axadda soo socota.

Maxkamadda ayaa sheegtay in guddoomiyihii hore ee Yaaqshiid wax laga waydiin doono heshiiskii bixinta qandaraaska dhimsha Xarunta Degmada Yaaqshiid oo uu ku saxiixan yahay.

Qandaraaska uu saxiixay Axmed Geedow ayaa waxaa ka taagan dacwad culus, waxaana lasoo sheegaa in la musuq maasuqay lacagihii fulinta mashruucaas, inkasta aan la sheegin cidda arrintaas ku lugta leh.

Waxaa la rumeysan yahay in dacwadda maxkamadda ay u furan tahay shirkadda BIMO oo qaadatay qandaraaska dhismaha xarunta degmada Yaaqshiid, taasoo Sanadkii 2020 sheegtay inaan la siin lacagtii lagu heshiiyey.

Maamulka Shirkadda oo ay ka maqan tahay lacag dhan 320 kun oo doolar ayaa sanadkii 2020 Ganjaalka banaanka ee degmada ku xiray quful waxayna sheegeen inay doonayaan lacagta ka maqan.

Ma cadda sababta maamulka degmada ay xarunta ugu dhiseen lacag intaas la eg, haddii aysan awoodin inay iska bixiyaan. Maamulka gobolka Banaadir ayaan sidoo kale wax caawimaad ah ka geysaneyn sidi arrintan loo xalin lahaa.

Maxkamadda ayaa sheegtay in haddii uu Axmed Geedow ku imaan waayo maxkamadda mudada loo qabtay in laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

 

Ad
Previous articleMadaxweynaha Faransiiska oo Qaaday Talaabo ka Dhan ah Ruushka
Next articleSidee laga Yeeli Doona Kursigii ay ka Geeriyootay Xildhibaanad Aamino Xili Galabtay Doorashada Baladweyne lasoo Gabgabaynaayo(Akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here